Booliska Sucuudiga Oo Laba Wiil Oo Soomaali Ah Ku Dhex Toogtay Gudaha Magaalada Jiddah

Jiddah(SLpost):-Booliska dalka Sucuudiga,ayaa  toogashi ku dilay laba wiil oo Soomaali ah gudha magaalada Jiddah ee dalka Sucuudiga.

saudi police kiling

Booliska magaalada Jiddah  ayay wadada iskaga hor yimaadeen dhalinyaro Soomaali ah ka dibna waxaa la sheegay inay llaba Wiil  oo ka mid ah dhalinyaradaasi ay carareen taasoo keentay in ciidanka Booliska Jiddah  iyaguna inay adeegsadaan rasaas nool oo ay ku rideen labada wiil ee cararay kuwaasoo ku dhintay isla goobtii ay rasaasku ku qabsatay.

Hay,addaha ammaanka ee dalka Suciiduga ayaa hore u meel mariyay in ciidanka boolisku ay awood u leeyihiin inya toogtaan isla markaana ay dilaan inta hawl galka dib u celinta  dadka ajaanibka ahi socdo cid kasta oo ka cararta booliska taasoo meesha ka saaraysa in wax xuquuq ah lagu helo booliska Sucuudigu  qof kasta oo ay dilaan.

police saudi

SOMALILANDPOST.NET

Contact@somalilandpost.net