Booliska Somaliland Waa In Dib-u-Habayn Lagu Sameeyaa – W/Q: Cabdilaahi Xuseen

Maalin ka hor ayay ahayd markii ciidanka Birmadka ama RRU (Rapid Reaction Force) ay dad shacab ah rasaar nool ku fureen. Waxaa iyana fadeexad wayn ku ahayd Ciidanka Booliska Somaliland ka dib markii sarkaal ka tirsan oo taliye ku-xigeen saldhig boolis ahaa iyo askari kale oo la socdaa  intay afka soo duubteen weerar ku soo qaadeen xarun wargays madax-banaan, iskuna dayeen inay khaarajiyaan tafatirihii Wargayska Hubaal. Sidoo kale, dhowr usbuuc ka hor ayaa Wasiirka Macdanta iyo Biyuhu ku amray Ciidanka Booliska ee wasaaradiisu ilaalinayey inay garaacaan oo xidhaan shaqaalihii telefishanka madax banaan ee HornCable TV oo howlohoodii saxaafada wata. Waxaana iyana xusuus mudan, wakhtigii doorashada ka dib waxaa isla ciidankan loo isticmaalay in lagu laayo dhalinyaradii Xaafada Axmed Dhagax ee ka gadooday najiitadii doorashooyinkii dowladaha hoose. Sidaa awgeed, waxaa muuqata in Ciidanka Booliska Somaliland uu noqday ciidan maleeshiyo ah oo kolba u adeegta xisbiga talada dalka haya. Miyaanay markaa haboonayn in dib loo habeeyo habka uu u shaqeeyo Boolisku si aanay u lumin kalsoonida ka dhaxaysa Booliska iyo shacabka? Ma jiro boolis shaqadiisa qabsan kara hadaan shacabku la shaqayn. Sidaa la socotaan waxaa horyaala Golaha Wakiilada Somaliland xeer cusub oo la doonayo in lagu maamulo Ciidanka Booliska Somaliland. Waxaan halkan ku soo gudbinayaa sida aan u arko in dib u habayn loogu samayn karo Ciidanka Booliska Somaliland si uu ula jaan qaado nidaamka dimuquraadiga ah ee aynu qaadanay.

Arintan Burco ka dhacday ee ninka shacabkaa lagu dilay, mid kalena lagu dhaawacay waxay cajaa’ib u leedahay iyadoon la garanayn cida bixisay amarka lagu dalbaday ciidanka RRU. Gudoomiyaha Golaha Degaanka Burco waxuu sheegay inaanay degmo ahaan iyagu dalban ciidankan wax dhibaato oo ay xalin kari waayeena aanay meesha oolin.  Waxaa wax lala yaabo ah markii Gudoomiyihii Gobolka uu isna yidhi “anaguna gobol ahaan ma garanayno cid ciidankan dalbatay.” Sida muuqata, mabuu jirin wax is af-garanwaa ah oo ka dhexeeyey madaxda degmada Burco iyo shacabka. Miyaanay dhibaato ahayn in Ciidankii Booliska ee loogu talogalay inay nabada sugaan ay iyagu nabadgelyo daro iyo fowdo abuuraan?

 

Yaa Maamula Booliska Somaliland?

Maamul ahaan Ciidanka Booliska Somaliland waxuu hoos tagaa Wasaarada Arimaha Gudaha. Habkanina waa   habkii aynu ka dhaxalnay xukuumadii Siyaad Barre. Waxaa dhacda in aanu aqoon askariga ama sarkaalka booliska ahi cida uu amarka ka qaadan karo markuu qof xidhayo. Waxaa dhacda in Wasiir, Wasiir-ku-Xigeen, Agaasime Guud/Waaxeed, Gudoomiye Gobol/Degmo iwm ay amraan booliska inay cid soo qabtaan oo xidhaan. Sidaa darteen, Ciidanka Booliska Somaliland waxa uu u shaqeeyaa sidee maleeshiyo uu adeegsado Xisbul Xaakimka kolba talada dalka hayaa. Xitaa waxaad arkaysaa Taliyaha Booliska Somaliland oo dhex taagan Xisbiga Kulmiye oo shirkii golaha dhexe qabsanaaya. Markii ay UDUB talada haysatayna sidaas oo kale ayuu taliyaha Boolisku u dhextaagnaa shirkii golaha dhexe ee xisbigaa. Bal aan is waydiinee maxaa kaga jira Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland inuu dhex taagnaado shirarka xisbi xaakima?

 

Ma U Baahanahay Ciidan Boolis oo Xukuumada Dhexe Maamusho?

Ciidanka Booliska Somaliland waa inuu ku koobnaadaa inuu ilaaliyo madaxda iyo xarumaha xukuumada dhexe ee gobolada iyo degmooyinka dalka iyo la shaqaynta maxkamadaha gobolada (regional courts), rafcaanka  (appellate courts)iyo ta sare (Supreme Court). Waxaa kale oo uu tababaro u samaynayaa, wada shaqayna la yeelanayaa Booliska ay degmooyinku iska leeyihiin ee ka madaxa banaan xukuumada dhexe. Hoos ayaynu ku sharxaynaa booliska ay iska yeelanayaan degmooyinka dalku (city policy department).

 

Ciidanka Booliska Degmooyinka

Waxaynu u baahanahay ciidan boolis oo ay degmooyinku iska leeyihiin iyaguna ay maal galiyaan. Tusaale ahaan, waxaa loo baanah yahay Booliska Hargaysa, Booliska Borama, Booliska Berbera, Booliska Sheekh, Booliska Burco, Booliska Laascaanood, Booliska Ceerigaabo iwm. Booliskan ay degmooyinku iska leeyihiin ee ay iyagu maal galiyaan waxaa soo magacaabaya (nomination) cida taliye u noqonaysa (Disrict Polic Chief)  duqa degmada (city mayor) isaga oo ogolaansho (confirmation) ka raadinaaya golaha la soo doortay ee degaanka (elected city council). Ciidankan degmo kastaa yeelanaysaa waxuu ka madax banaan yahay siyaasad oo dhan maadaama ay taliyayaashooda soo ogolaadeen isla markaana ay eryi karaan golaha degaanka ee degmo kasta, kaasoo ka kooban xisbiyada oo dhan. Tani waxay keenaysaa in boolisku aanu siyaasada ku milmin (non-political police force) , shaqadiisana ku koobo sidii uu u ilaalin lahaa nabadgelyada iyo amaanka dadka degmada. Sidoo kale, waxaa kalsooni ku qabaaya booliskan dadka degaanka oo wada shaqayn buuxda la yeelanaya.

 

Goloyaasha Degaanka Maxaa la Haboon?

Waxaan la yaabay oo la argagaxay markii Gudoomiya Golaha Degaanka Burco (Mayor of Burao) uu shalayto yidhi “ciidankan RRU ee dadka rasaasta ku furay anaga nagama amar qaataan, lamana xisaabtami karno.” Bal ka waran haddii uu jiri lahaa boolis degmo “Burao Police Department” miyay dhici lahayd in RRU meel ay ka socoto iyo cid amartay aan la garanayni intay yimaadaan rasaas iska furaan oo dad shacab ah laayaan? Sidaa darteed waxaa haboon in Goloyaasha Degaanka ee degmooyinku ay urur samaystaan “League of Somaliland Cities” kaas oo u dooda (lobby) in hoos u daadajin maamul la sameeyo “decentralization”, xukuumada dhexena faraha kala baxdo arimaha degmooyinka u gaarka ah sida booliska oo ay talo guud uun ku yeelato. Ururka Goloyaasha Degaanku waa in uu qorto garyaqaana u dooda oo Golaha Wakiilada iyo Guurtida ka dalbada in dib-u-eegis lagu sameeyo xeerka degmooyinka iyo gobolada si loo xakameeyo xukuumada dhexe. Waxyaalaha ay degmooyinku codsan karaan waxaa ka mid ah in cashuuraha ardiyadaha dhulka iyo guryahana loo dhaafo degmooyinka si ay howlahooda ugu fushadaan.

 

Xukuumadda Dhexe Maxaa la Haboon?

Waa in xukuumada dhexe ee uu hogaaminayo Madaxweyne Siilaanyo ka howl gashaa sidii ay Somaliland u yeelan lahayd boolis siyaasada ka madax banaan oo ilaaliya nabad-gelyada shacabka. Waxaa suuragal ah inay xukuumada dhexe u aragto inay dani ugu jirto in sidan xaalku ahaado “status quo”, laakiin waa inay ogaato berito markay xukunka wareejiso inay ahaanayaan kuwa ugu horeeya ee ka cowda “dadbaa la cabudhiyey ama xaq-daro loo xidh-xidhay.” Waa in xukuumada dhexe ku dadaashaa in howsheeda boolisku ku koobnaado inay sharci iyo nidaam dejiso “policy and standards” oo booliska degmooyinku yeelanayo, laakiin ay degaan kasta u dhaafto siduu boolis u gaara u yeelan lahaa, nabad-gelyadiisana u ilaashan lahaa.

 

Golayaasha Wakiilada iyo Guurtida Maxaa la Haboon?

Goloyaasha sharci dajintu waa inay dib u eegis ku sameeyaan xeerka degmooyinka iyo gobolada si loogu suura-galiyo in degmo waliba boolis u gaar ah yeelato. Waa in booliska Somaliland noqdo hay’ado dowladeed oo aan siyaasada ku milmin, isla markaana aan maleeshiyo daacad ah u noqon kolba xisbul-xaakimka maamulka dalka gacanta ku haya. Waa in golayaasha xeer-dejintu fahmaan in maamulkii Siyaad Barre ee booliska lagu maamuli jiray la bedelo oo maadaama aynu nidaam dimuquraadiyad ah aynu qaadanay, maamulka booliskuna la jaanqaado nidaamka cusub ee dimuquraadiyada. Waa in golayaasha xeer-dejintu ka baaraan degaan, xogna waydiiyaan cid kasta oo aqoon u leh maamulka dowliga ah ee casriyeysan (Modern Public Administration).

 

Ciidanka Booliska Maxaa la Haboon?

Ciidanka Boolisku waa inay sharaftooda ilaashadaan, ul-dheerna iskaga qabtaan shakhsiyaadka ka tirsan ee meel kaga dhacaya sharafta iyo karaamada ay bulshada ku dhex leeyihiin. Waa in boolisku ogaado in si shaqadiisu ugu hir gasho uu u baahan yahay inuu xidhiidh fiican la yeesho shacabka. Boolisku waa inuu ogaado in xukuumad kasta oo timaadaa ay u tegi doonto sidii UDUB u tagtay, laakiin ay iyaga iyo shacabku isku soo hadhayaan. Sidaa awgeed waa in boolisku ilaashado xidhiidhka wanaagsan ee ay la leeyihiin shacabkooda. Dhinaca kale, waa in boolisku ogaado inaan dani ugu jirin habka ay maanta u shaqeeyaan, loona baahan yahay in degmooyinka loo qaybiyo si dhaqaale fiican oo ay howshoodu ay ku gutaan ay u helaan, kana hoos baxaan siyaasiyiinta ku adeeganaysa. Sidaa darteed, waa in boolisku dhiiri galiyaa isbedeladaa lagu samaynayo ciidanka booliska Somaliland si uu u noqdo ciidan madaxbanaan oo aan cid gaar ahi ku adeegsan.

Cabdillahi Xuseen Daa’uud

abdhdaud@yahoo.com