“Booliska ninka Xun waa la anshax-mariyey, Shacabka ninka booliska dhibayana tallaabo adag baanu ka qaadaynaa” – Taliye Dabagale

 

Boorama (SLpost)- Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Daba-gale), ayaa sheegay inay anshax marin ku sameeyeen askar ka tirsan Ciidanka booliska oo tacaddiyo u geystay shacabka, sidaas si lamid ah ay tallaabo adag laga qaadayo Qofka Shacabka ah ee dhibaato u geystay Ciidanka Booliska.

Taliyaha Ciidanka Booliska oo socdaal indho-indhayn ah ku tagay xarumaha Ciidanka Booliska ee Gobolka Awdal, gaar ahaan magaalada Boorama oo uu maanta gaadhay, ayaa hadalkan ka sheegay shir-jaraa’id oo uu ku qabtay Xarunta Taliska Booliska ee gobolka Awdal.

Talihaha oo waxa halkaas ku soo dhaweeyey saxaafaddana la hadlay Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Awdal Gaashaan Sare Cabdiraxmaan Nuux Col-haye oo sheegay in ujeeddada socdaalka taliyuhu qayb ka tahay dar-dargelinta Hawlaha Ciidanka Booliska iyo qaabka ay bulshada ugu adeegaan.

Warkan oo Faahfaahsan ka daawo Muuqaalka Hoose