Booliska Mareykanka Oo Xabsiga Dhigay Soomaali Masaajid Weeraray

Rochester, (SLpost)- Ciidamada booliska ee magaalada Rochester ayaa xabsiga u taxaabay nin Soomaali ah, kaasoo xiisad gacan ka hadal ah ka dhex abuuray masaajid lagu magacaabo Abubakar Sidiiq.Cabbaas

Cabbaas Cabdiraxmaan Maxamed, ayaa la sheegay inuu la dagaalamay dadkii ku sugnaa masjidkaasi oo uu doonayay inuu helo cuno afur ah oo masaajidkaasi lagu qaybinayay.

Cabbaas ayaa la sheegay inuu midi dhawr jeer ku waabiyay hawlwadeenada masaajidka ee cunada Afurka ah qaybinayay.

Ciidanka booliska ayaa sheegay inay heleen fariin deg deg ah oo looga soo diray masaajidka, balse markii ay yimaadeen loo sheegay in Cabbaas uu halkaasi ka tagay.

saraakiisha ammaanka ayaa markii dambe Cabbaas kasoo xidhay dibadda guriga uu ku nool yahay, waxaanu wajahayaa eedaymo la xidhiidha inuu weeraray masaajidkaasi.

Somalilandpost.net

Source: HCTV