Booliska Jarmalka Oo Ka Hadlay Goobo Bartilmaameed Weeraro U Ahaa Oo Ay Xidheen

Jarmalka(SLpost)-Boliiska Jarmalka waxay sheegeen in digniinta ku saabsan suurta galnimada weerar ay kooxda sheegata dowladda Islaamiga ah soo qaaddo sanadka cusub ay ahayd mid dhab aad ah oo boliiska aanay u bannaaneyn wax aan ka ahayn inay xiraan goobaha bartilmaameedka ahaa ee laba saldhig oo tareennada laga raaco oo ku yaal magaalada koofurta ee Munich.

War laga helay sirdoon dibadda ayaa muujiyay in unug ka tirsan kooxda dowladda Islaamiga oo ka kooban shan ilaa toddoba ruux ay qorsheynayeen inay weeraradaas fuliyaan.

Hase yeeshee boliisku waxay sheegeen in khatartii dhabta ahayd hadda laga soo gudbay, inkastoo aan la ogeyn halka ay ku dambeeyeen kuwii weerarrada soo qaadi lahaa.

Waxaa la rumaysan yahay inay u kala dhasheen dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

Saldhigyadii tareennada hadda dib ayaa loo furay, laakiin mas’uuliyiinta magaalada Munich waxay dadweynaha ka codsadeen inay feejignaadaan.