Booliska Canada Oo Xidhay Soomaali Af-duub Lagu Eedeeyay

Ottawa, (SLpost)- Booliska Canada ayaa sheegay inay xidheen nin Soomaali ah oo lagu magacaabo Cali Cumar Adeer oo ay sheegeen inuu ku lug lahaa afduubkii weriyihii Canada u dhalatay ee Amanda Lindhout iyo weriye kale oo Australia u dhashay, kuwaasoo lagu afduubay gudaha dalka Soomaaliya 23-kii bishii August sannadkii 2008.Soomaali

Ninkan Soomaaliga ah ayaa lagu qabtay magaalada Ottowa maalintii shalay.

Booliska ayaa sheegay in Cali Cumar Adeer uu ku lug lahaa wada xaajoodyada muddada 15 bilood ahayd ee labadan weriye afduub ahaanta loogu haystay gudaha Soomaaliya.

Labada weriye ayaa waxaa la sii daayay bishii November 2009.

Somalilandpost.net