Booliska Caalamiga ah ee INTERPOL Oo Hargeysa Ka Raadinaya Nin Somali ah oo Boqolaal Kun oo Dollar ka Dhacay Dalka Sudan

Hargeysa (SLpost) Ciidaamada booliska caalamiga ah ee INTERPOL, ayaa magaalada Hargeysa ka baadi doonaya nin Soomaali ah oo sida la sheegay lacag qaddarkeedu dhanyahay 500,000 oo Doolar ka soo dhacay shirkad magaceeda la yidhaado SAAKHIR oo laga leeyahay dalka Suudaan.

SudanMulkiilaha shirkadda Saakhir Mr. Bayaan Bareer Samaani oo maanta warbaabint qaarkeed kula hadlay Hargeysa, ayaa ka warramay qaabkii uu ninkani uga dhacay lacagta shirkaddiisa iyo hawl-galka ay ilaa immika ay ku baadi-goobayaan ninkan oo uu magaciisa ku sheegay Axmed Cali Salaad.

“Waxaan ahay nin muhindis ah oo Engineer ah, waxaan ka soo baxay jaamacaddu Suudaan, waxaan leeyahay laba shirkadood, shirkadda koobaad waa shirkad la yidhaahdo Saakhir oo ka shaqaysa dhismaha, soo dejinta iyo dhoofinta iyo adeegyo kale, waxaanay xarunteedu tahay Khartuum.”

Shirkadda labaad waxaa la yidhaahdaa Fayaad International oo xarunteedu tahay dalka China, waxay qabtaan labada shirkadood soo dejinta, iyo dhoofinta iyo adeegyada kale, sida xawilaada lacagta oo laga xawilo Suudaan, loona xawilo dalka Imaaraadka iyo dalka China oo loo diro macaamiishayada doonaya in ay alaab kala soo degaan dalka China iyaga oo adeegsanaya xafiiskayaga, waxaanuna sumcad wanaagsan aanu ku lahayn dadka dhexdooda,” Sidaas waxa yidhi Bayan Bareer Samaani oo u warramayey suxufiyiinta magaalada Hargeysa.

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Waxaa dhacday ninka lacagta naga dhacay oo la yidhaahdo Axmed Cali Salaad in uu iga dalbaday in uu igala shaqeeyo xawilaada lacagaha, waxaana sharaxaad ka bixiyay oo ii keenay nin la yidhaahdo Anas oo ila shaqayn jiray, waxaanu anas igu yidhi in inankaa Axmed uu yahay ay asxaab yihiin oo la deganaa muddo dheer oo uu gurigiisa ku hayn jiray, waxaanu yidhi Anas ninkani waa nin fiican oo diin iyo amaano iyo aqoonba shaqada u leh.”

“Sidaa darteed waxaanu ogolaanay in uu nagala shaqeeyo shirkada, laga bilaabo bishii April 2013-kii, waxaanuna u dhiibi jirnay maalinkasta lacag dhan 5000$ ilaa 10000$, lacagtaas oo uu maalinkasta u xawili jiray Dubai iyo China, waxaanu qaadan jiray komishan. Hase yeeshee wuxuu yidhi komishankani aad ayuu iigu yaryahay, waxaanu dalbaday in loo kordhiyo lacagaha uu xawilayo maalinkasta, si uu lacag fiican u leho waxaanu noo sheegay in uu xidhiidh fiican la leeyahay xawaaladaha Soomaalida dadka ka shaqeeya oo ay qaraabo yihiin, sidaa darteed uu awood u leeyahay in uu xawilo lacag badan maalintiiba, waxaanu ku lahaa lacagta uu xawilayo mishan dhan 20%, lacagta waxa uu nagaga qaadi jiray Khartuum waxaanu naga siin jiray Dubai oo walaalkii Maxamed Cali Salaad naga siin jiray. Waxaanu wada xisaabtami jirnay todobaadkii mar, waxaanuna u qornay warqad shirkaddayada ka socota oo caddaynaysa in uu awood u leeyahay in uu ku xawili karo lacagaha magaca shirkadayada anaga oo kalsooni ku qabnay,” ayuu yidhi Mr Bareer.

Mr. Bayaan Bareer Samaani waxa kale oo uu intaa raaciyay “Waxaa dhacday bishii siddeedaad ee sannadkii 2013-kii ayaanu lacag u dhiibnay, dabeedna lacagtii muu xawilin, markii aanu waydiinay ee aanu nidhi maxaad u xawili wayday waxa uu nagu yidhi waxaan lacagtaa xawilayaa oo aad iga helaysaan bisha sagaalaad kawdeeda ilaa shanteeda. Waxaanay lacagtaasi dhamayd 555,251 (Shan boqol shan iyo konton kun laba boqol konton iyo kow dollar).

Maalintii aanu ballansanayn in aanu lacagtii ka helno ayuu telefoonkii xidhay oo uu is qariyay. Waxa kale oo jiray walaalkii oo isna isla maalintaa ay ahayd in uu lacagtaas badh ka mid ah nasiiyo oo ahayd boqol iyo siddeetan kun oo dollar , isaguna isla maalintaas ayuu telefoonkiisi xidhay oo uu is qaray isla markaanna uu ka tagay Dubai, waxaanu tagay dalka Itoobiya, arrintaana waxaanu ka ogaanay bilayska Dubai.”

“Intaa kadib ciidmada CID-da iyo ciidamada amaanka ayaa waxa ay noo caddeeyeen in ninkaasi lacagta naga dhacay ee Axmed Cali Salaad uu joogo magaalada Hargeysa, intaa kadib waxaanu go’aansanay in aanu nimaadno Hargeysa oo aanu qabano, sababta oo ah waxaanu waraaqo ka haysanay ciidmada Interpol (booliska caalamiga ah).

Kadib markii ay taariikhdu ahayd ahayd siddeedii bishii saddexaad ee sannadkan 2014-ka ayaanu Hargeysa nimi oo aanu bilawnay ashkatadayadii, waxaanu la kulanay wasiir ku xigeenka amniga ee wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, arrintaydii ayaanu uga sheekaynay, waxaanu tusnay ninkii na dhacay sawirkiisii, wasiirku waxa uu noo sheegay in uu ninkani halkan ku soo maray oo uu ku yidhi waxaan doonayaa in aan maalgashi samaysto, markaa wasiirku wuu fahmay in aanu ahayn nin hagaagsan isla markaana uu doonayo cid uu ku tiirsado oo ilaalisa.” Ayuu yidhi Bayaan Bareer Samaani.

Mulkiilaha shirkada Saakhir waxa uu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Wasiirku waxa uu ciidamada amaanka faray in ninkaas la soo qabto, waxaanu tagnay guryihii lagu tuhmayay, waanu ka waynay, waxaanu tagnay gurigii aabihii, halkaasna waanu ka waynay, aabihii ayaa aroortii dambe nala soo hadlay oo nagu yidhi hadaad lacag inankayga ka doonaysaan aniga ayaa idinsiinna ee maxaad Interpol ugu datgeen oo aad u soo dacwayseen. Aabihii maalintii hore waxa uu sheegay in wiilkiisu uu lacag kala yimi Suudaan, oo uu ka soo shaqeeyay macdanta iyo dahabka, maalintii dambe ee aanu kulanayna waxa uu yidhi inankaygu Suudaan lacag kamuu keenin, markii aanu nidhi soo adigii sidaa yidhina waxa uu yidhi haddii aad soo caddaysataan aniga ayaa idin siinaya lacagtaa.”

“Markii dambe waxaa la sameeyay guddi dhex dhexaad ah oo isugu jira ehelada uu ka soo jeedo ninka dhacay iyo waxgaradka deegaanka Hargeysa, markii dambe Eedaysanaha lacagta naga dhacay aabihii waxa uu naga codsaday in aanu joojino dacwada Interpol oo aanu wasiirka warqad u qorno isaguna uu inankiisi keeno. Warqad ayaanu u qornay wasiirkii waanuna joojinay dacwaddii, muddadii uu odaygu yidhi waan ku keenayaa kumuu keenin inankiisii, waxa uu yidhi mudo kale ha la isiiyo, haddana waa loo kordhiyay muddadii, waxa kale oo jirta markii uu wasiirku joojiyay dacwadii waxa arrintii loo wakiishay maxkamada Tawfiiq ee shareecada Islaamka ee Sheekh Dirir oo uu odaygu doortay, markaa fadhigii labaad ayaan anigu markhaatiyadaydii iyo waraaqihii cadaynta ahayd aan keenay, fadhigii dambe ayuu yidhi inankaygii waan keeni kariwaayay oo wuu baqanayaa, markaa waxa uu dalbaday in afar markhaatiyada ahi ay u dhaartaan oo uu lacagta bixiyo, haddana wuu is bedelay, haddana hadal kale ayuu la yimi oo uu leeyahay anigu lacag idinkama dhicin lacagna ma hayo inankaygiina gacan iiguma jiro, sidaa darteed maxkamadii waan ka baxay,” ayuu yidhi Mr. Bayaan Bareer Samaani waxaanu intaa ku daray “Culimadii maxkamadu waxay yidhaahdeen wixii dhacay ayaanu qoraynaa, waxaanu ku warcelinaynaa wasiirkii amniga, isagu wixii uu tallaabo qaadayo ha qaado. Kadib maxkamadu waxa ay qortay wixii dhacay waxaanay u gudbiyeen wasiirka amniga, iyo warqad ay qoreen odayaashii guddidu, kadib wasiirka daakhiligu wuu xidhay odaygii.

Intaa kadib waxaa dhacday waxaanu isla galnay maxkamada gobolka Hargeysa, afar jeer ayaa naloo balan qaaday in la dhagaysanayo arrintayadii, waanay dhici wayday, mar waxaa la yidhi ninkii looyarka u ahaa ayaa iman waayay, marna xaakinka ayuu yidhi iga beddela oo waa laga badalay, adigu afar jeer ayaanu maxkamadii nimi oo ay suuro-geli wayday, markii dambe ee ay bilaabantay ninkii looyarka u ahaa ayaa na caayay, maxkamadiina wuu caayay, anagu wax caddaawad ah uma hayno cidnaba, waxaanu doonaynaa anagu xaqayagii oo aanu ku doonayna dariiq sharci ah, si aanu ciiddii lahayd ugu celino, anagu xumaan doonimayno, waxaanu nahay dad wanaagsan oo diin leh oo muslim ah oo dhaqan leh, markaa waxaanu doonaynaa xaqayagii in aanu si wanaagsan ku qaadano.”

Mr Bareer waxa uu ka mahad-sheegtay qaabkii loogu qaabiley safar uu ku yimi Somaliland, “Halkanna si wanaagsan ayaa naloogu soo dhaweeyay , dawladda Somaliland si wacan ayay noo soo dhawaysay, way na garab istaagtay, caddalad iyo xaqba way nagu garab istaageen, dadka shacabka ah ee reer Somalilandna si wanaagsan ayay noo soo dhaweeyeen culimada iyo salaadiinta reer Somaliland guri bilaash ah ayay nasiiyeen oo aanu itnaaba degenayn,” ayuu yidhi.

Mr. Bayaan Bareer Samaani waxa kale oo uu intaa raaciyay, “Dhibaato ayaa na soo gaadhay oo mushkiladan naga soo haleeshay, Xafiisyadayadii oo dhami way xidhmeen, waxaa jirtay arday jaamacado noo dhignayay oo wax ka baranayay China, ardaydiina way ka yimaadeen, sababta oo ah dadka lacagta wax ku lahaa waxaa ka mid ah dad reer China ah, markaa waxaanu ka baqnay in ay dhibaateeyaan, arrintana waxaa nagaga baxay masruuf iyo lacag badan, halkanna waxaanu ku joognaa 11 qof muddo saddex bilood ah, markaa dhibaato badan ayaa nagu dhacday waxaanu maxkamada Hargeysa aanu ka codsanaynaa in ay noo dedejiso xukunka dacwadan,” ayuu yidhi Ninkani.

 

SOMALILANDPOST.NET