Booliska Boorame Oo Qabtay Xildhibaan Soomaaliya Ka Yimi Oo Hargeysa Ka Soo Degay iyo Guddoomiye Ramaax Oo Ka Hadlay

Hargeysa(SLpost)- Guddoomiyaha Gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) ayaa wasaaradda Arrimaha gudaha iyo waaxda Socdaalka ee Hargeysa ku canaantay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo Hargeysa ka soo degay isla markkaana todobaad ku sugnaa caasimadda  oo habeen hore ciidanka booliska Boorame qabteen ka dib markii uu socdaal  isla habeen hore ku tegay Boorame.bADHASAAB RAMAAX

Waxaa kale oo uu ka hadlay guddoomiye Ramaax waxba kama jiraanna uu ku sheegay in Boorama lagu xidh xidhay dad reer Somaliland ah oo qurbajoog ah  kuna sugnaa magaalada Boorame isagoo xisbiga mucaaridka ah ee WADDANINA uga digay  ka hadalka wax aan jirin oo bulshadda lagu kala fogaynayo.

Guddoomiye Maxamuud Cali Saleebaan waxaa uu sidaa ku sheegay waraysi gaar ah oo uu xalay khadka Telefoonka  ku siiyay wargeyska Dawan.

Ugu horrayn mar aanu wax ka waydiinay dad reer awdal ah oo qurbajoog ah oo la sheegay in lagu xidhay magaalada Boorame , waxaanu yidhi . “Maya ma jiraan   cid qurba joog ah oo la xidhay arrintaasina ma jirto  dorraad ayay ciidanka boolisku u yeedheen dhalinyarro qurba joog ah wax ayaanay waydiiyeen ka dibna  waa la sii daayay cid la xidhayna ma jirto Xisbiga WADDANi-na waxaa leeyahay wax aan jirin oo aan dhicin ummadda ha ku jaah wareerinina dadkana xumaan  ha ka dhex abuurina.”

“Maya maya ma jiraan qurba joog iyo cid kale oo reer Boorame ah oo la xidh xidhay arrinta uu WADDANI ka hadlayna waxay dhacday habeen hore(habeen sadexaad) arrintaasina waxay ahayd uun hubin  marka arrimaha ammaanka laga shaqaynayo ee xil ku saran yahayna waxaa ku saaran  masuuliyad iyo culays aanu dareemayn ninka dibada ka joogaa markaa waxaan WADDANI iyo cid kastaba u sheegayaa in aanaan cidna uga haybaysanayn ilaalinta nabad gelyada cid kasta oo ay suuragal noqoto in wax la waydiiyana waa la waydiinayaa waana loo yeeshaya laakiin ta macneheedu maaha in qurba joog la xidhayo,qurbajoogu waa dad wanaagsan oo aanu aad isugu xidhanahay  maantana caalamka waxa ka soca waad ogtihiin waxyaabaha ka jira oo waxaa dhacda in qof madaar ka dhoofayaa uu muddo saacado badan ah u xanibnaado hubin dhanka ammaanka ah markaa haddii arrimo nabad gelyo laga shaqaynayo waa in  sidaa loo ogaadaa, WADDANI-na waxaan leeyahay arrimaha  nabad gelyada adkayntoodu waa shaqada Xukuumadda waana waajib cidna waxba laga waydiin maayo, WADDANI-na loo soo mari maayo,”ayuu yidhi Badhasaab Ramaax.

 

Guddoomiye Ramaax oo aanu weydiinay sida ay u qabteen xildhibaan ka tirsan dawladda Muqdisho, waxa uu yidhi “Ninkaa xildhibaanka Soomaaliya ahi horta waa dambiile qaran oo dalka sharci darro ku soo galay markii uu Boorame soo gaadhayna waanu qabanay  waxaanan qabanay  xalay (habeen hore ) oo ahayn isla markii uu Boorame soo gaadhayba laakiin cidda khaladka leh ee soo daysay waa wasaaradda arrimaha gudaha iyo waaxda socdaalka Hargeysa sababtoo ah ninkaa dambiilaha qaran ah ee isagoo ah xildhibaan Soomaaliya ah dalka soo galay wuxuu ka soo degay madaarka Hargeysa waxaanu si  sharci ah oo nabad ah Hargeysa u joogay muddo todobaad ah markaa waxay ahayd in aanu annaga(Boorame) na soo gaadhin laakiin iyaga ayaa shaqadoodii gabay oo madaarkii caasimadda ayay ka soo degayaan dambiileyaal qaran oo ay waliba hadana u hoyanayaan oo intay doonaan joogayaan, laakiin annagu( Maamulka gobolka awdal) waanu qabanay waanu xidhanyanay sharciga ayaanan marinaynaa.”

Source: DAWAN