Booliska Austria Oo Qabtay Sadex Qof oo Looga Shakiyay Gaadhigii Laga Helay Maydadka Tahriibayaasha

 

Austria(SLpost)Booliska dalka Austria waxa ay sheegayaan in seddax qof oo lala xidhiidhinayo 70kii mayadadka ahaa ee la helay la xidhay.

150828032203_sp_austria_dead_migrants_624x351_epa_nocredit

Dadkaasi dhintay oo tahriibayaal ahaa ayaa laga dhex helay gaadhi xamuul ah oo meel cidlo ah looga tagay. Afhayeen u hadlay booliska dalkaasi  waxa uu sheegay in 59 rag ah sideed dumar ah iyo afar cunug oo ah maydadka la helay dhammaan inay u dhasheen dalka Suuriya.

Waxa uu tilmaamay in dadkan ay u dhinteen gaadhiga ay saarnaayeen ee qaboojiye ahaa iyo nakhaska oo ku dhegay. Waxa uu sheegay seddaxda qof ee laga shakisan yahay in laba ka mid ah ay u dhasheen dalka Hungary, laguna xidhay gudaha dalkaasi.

Gaadhiga xamuulka ah ee laga dhex helay maydadka waxaa looga tagay waddo wayn, maalintii arbacada. Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Austria Johanna Mikl-Leitner waxa uu sheegay inaysan ku filneyn in dhacdada laga argagaxo oo keli ah, laakiin ay tahay in laga hortago dadka tahriibinta ka shaqeeya.