Boolis Nin Tuug ah Ku Qasbay inuu 40 Xabo oo Muusa Cuno si ay uga soo Saraan Silis Dahab oo uu Liqay

Booliska magaalada Mumbia ee dalka Hindiya, ayaa xeelad khatar badan u adeegsaday nin tuug ah oo liqay silis dahab, kadib markii ay ku qasbeen inuu cuno 40 xabbo oo muus ah.

Ninka tuuga oo boolisku gacanta ku dhigeen, ayaa diiday inuu siliska dhibo, kadibna liqay, balse waxa la geeyey cusbitaalka si loogu baadho mishiinka sawirka (X-rays), kaasoo soo saaray in siliskuk calooshiisa ku jiro.

Dhakhaatiirta, ayaa soo jeediyey in habka ugu habboon ee lagaga soo saari karo siliskaas uu hayay in ninkan qalliin lagu sameeyo, balse saraakiil booliska ah ayaa go’aamiyey in qalliinku aad u qaali yahay, kadibna ku qasbay inuu cuno muuskaas.

“Waxa uu cunay 40 xabbo oo muus ah maalintii oo dhan, aakhirkii waxa aan helnay siliskii, waanu maydhayn, kadibna dib u hagaajinay,” ayuu yidhi Shankar Dhanavade oo ah sarkaal baadhe sare ka ah Mumbia oo la hadlaayey Wakaalada Wararka ee AFP.

Tuugan oo 25 jir ah waxa la hor keenay Jimcihii toddobaadkan Maxkamada, sida warbixinta maxkamada loo soo gudbiyey sheegtayna maaha markii ugu horreeyey ee tuug khudaarta lagaga soo saaro qudaar la cunsiiyey.

Bishii July ee sannadkii hore ayaa nin tuug ah uu liqay silis iyadoo sidan oo kale muus tiro badan lagu qasbay inuu cuno, kadibna uu cabo dhawr litir oo caano ah oo ay la socdeen wax kale, sidaasna lagaga soo saaray siliskii.

Sidoo kale, bishii April ee sannadkii hore waxa tuug la cunsiiyey 50 xabbo oo muus ah, kadib markii uu liqay silis aad u qaalis ah, sidaasna lagaga soo saaray.