Booliiska Somaliland oo hawl-gal adag ka bilaabay Caasimadda Hargeysa oo habeenadii ugu dambeeyey ay ka dhaceen falal Ammaan-darro ah

Hargeysa(SLpost) Booliiska Somaliland oo ka jawaabaya cabashooyin isa soo tarayay oo dhinaca amaanka ah ayaa goor dhawayd Hargeysa ka bilaabay Hawl-gal culus oo jawaab u ah dhalinyarada iyo dadka Amaan darada ka wada.

Dadweynaha Reer Hargeysa ayaa saacadihii u danbeeyay Hawl-galkan oo aan hore loo arag su’aalo badan iska weydiinayay iyadoo si xoog ah looga dareemay badhtamaha suuqa Hargeysa halkaas oo ay booliisku salaadii Casar ku eekeeyeen bilowga Ololahooda,maadaama suuqu yahay meelaha ugu badan ee ay Dadweynuhu dhibaatada kala kulmaan.

Somalilandpost News

Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland Sareeya Guuto C/laahi Fadal Iimaan oo Somalilandpost  khadka Telefoonka si kooban ugu waramay ayaa sheegay in ay Caasimadda ka bilaabeen hawl-galkii ugu adkaa kaasoo uu sheegay habeen iyo Maalinba inuu socon doono.

Taliye Fadal waxa uu sheegay Boolisku in ay gacan bir ah ku qabanayaan dadka dhibaatada iyo Nabadgelyo darada ka wada Caasimadda isagoo farta ku fiiqay ku baadhashada iyo Dilalka ka fulinaya maalmahan u danbeeyay.

Fadal waxa uu sheegay dhamaan Ciidanka in ay hawl-galiyeen isla markaana goob kasta ay ku daadiyeen si ay u cidhib tiraan dadka khatarta ku ah Amniga isagoo xusay cabashadoodu in ay isa soo tartay.

Somalilandpost.net

Hargeysa