Boobkii Xukuumadda Iyo Burburkii Derbi Jiifka: Aargoosi Siyaasadeed #2 – Luul Xasan Mataan Qalinkii: Jamaal Cali Xuseen

Waxay ahayd xilli ku dhow salaaddii subaxnimo ka dib, lix gaadhi oo gaashaaman oo ay saaran yihiin cutubyo ka tirsan Ciidanka Qaranka ee Somaliland ayaa waxay si lama filaan ah u tageen xarunta Derbi Jiifka ee magaaladda Hargeysa si ay u fuliyaan amarkii sida tooska ahaa uga soo baxay madaxtooyadda ee ahayd inay xoog iyo sifo aan sharciga waafaqsaneyn ay ku qabtaan xaruntaasi.  Shacabka Somaliland waxay daymo fog ku eeggayeen talaabooyinkii  Xukuumadda Kulmiye ee si sharci daro ah ugu xidhay Marwo Luul Xasan Mataan intaan xaruntan la soo weerarin. Luul Xasan Mataan oo ahayd madaxa xaruntan waxay haysay 175 caruura oo ay 29 hablo ahaayeen, halka 146 ay ahaayeen inamo. Xaruntan waxaa lagu dhisay qaadhaan laga soo ururiyey ganacsadayaal iyo muwaadiniin reer Somaliland ah oo ka damqaday xaaladda caruurta derbi jiifku ku sugan yihiin. Xaruntani may gelin hanti dawladeed waxaana aad loola yaabay sababta ay xukuumaddii Somaliland ay xarun aanay shuqul ku lahayn oo ay caruur yar oo Derbi Jiif ah ugu weerarayso arroornimo hore oo uga nixinayso. Waxa la sheegay in Islaamihii caawiyayaasha ahaa ee xarunta ka shaqeeynaayey qaarkood dhaawac la gaadhsiiyey sida Xaalli Maxamed Jafaal iyo Siraad Yussuf. Caruurtiina qaarbaa derbiga ka booday oo la sheegay inay ilaa hadda maqan yihiin.
jamaal-cali-xuseen2
Dhowr ayaamood ka hor uun weerarkan, Luul Xasan Mataan iyaddoo arrimo u gaar ah u joogta xafiiska xeera ilaaliyaha ee magaaladda Hargeysa ayaa isla xafiiskii xeer ilaaliyaha lagu soo weeraray si loo qabto. Xeer ilaaliyihii ayaa waxa la yidhi ka codsaday ciidamaddii inay wakhti siiyaan si uu ugu sharciyeeyo xadhigeedda. Ciidamaddii Luul Xasan Mataan qabtay waxay si cad u sheegeen in ay amar madaxtooyadda ka haystaan oo ay kaxeeynayaan iyadoo sifo sharciyadeed loo marin oo maxkamaddu u ogolaan in la soo qabto. Waataa Somalilandtii uu xisbigii Kulmiye ku balan qaaddi jiray inay sharciga raacayaan. Dawlad sharcigii ay iyadu ku fadhiday ku tumunaysa side laga yeelli karaa?
Luul Xasan Mataan waxay imika abaabulaysaa xarun Derbi jiif ah oo ku taalla magaaladda Boorama halkaasoo ay imika ku hayso caruur 20 ah oo xaruntii Hargeysa ee ay xukuumaddu xoogga ku qabsatay ka soo baxsaday iyo caruur kale oo iyagu Boorama ku sugnaa. Xaruntaasi oo la dhagax dhigay imikana yabooh loo sameeynayo. Qofkii taageerayaa hor Ilaahay hawgu shubo xisaabta Dahabshiil Boorama account #1979, ama toos ula xidhiidh marwo Luul Xasan Mataan emailkeedda:luulamatan@hotmail.com.
Waxaanu cod togan ugu sheegaynaa xukuumadda Somaliland in ay ka waantowdo sida badheedhka ah ee ay sharciga u jebinayso, duudsiga xuquuqda muwaadiniinta Somaliland iyo iska indhosaabka waxyaalihii loo igmaday ee xilka iyo waajibaad gudashadeedu ku suntanaayeen. Sidaas awgeed, baannu muddarro u aragnaa in wax yar la koolkooliyo, iyadoo wixii waynaana dhabarka loo sii jeedinayo. Xukuumaddda Kulmiye  waxa horyaalla ee gude iyo dibadba leh ayaa aad u badan una baahan in wax laga qabto oo wakhti iyo dedaalba la geliyo; halkii wax kale ama “riyo iyo nifaaq” lagaga foognaan lahaa!
Allaa mahad leh!
Jamaal Cali Xuseen
Musharraxa Jagada Madaxweynennimo ee Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka ee UCID