Boobe Yuusuf Ducaale oo Sixitaan ku sameeyey Qaladaad Taariikhi ah oo Madaxweynaha Somaliya Khudbad kaga hadlay xuska 26-ka June

Hargeysa (SLpost)- Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe) oo ah Qoraa Reer Somaliland ah, isla markaana Wasiirka Warfaafinta ka soo noqday Xukuumadda Siilaanyo, ayaa sixitaan ku sameeyey Qaladaad ku jiray Khudbad uu ka jeediyey madaxweynaha Soomaaliya Xuska 26 June 2017 oo ku beegnayd 57-guurada ka soo wareegtay Somaliland Xornimadeeda ka qaadatay Gumaystihii Ingiriiska 26 June 1960-kii, kaas oo habeen hore lagu qabtay Muqdisho.

Boobe Yuusuf Ducaale, waxa uu sheegay inuu aad iyo aad uga xun yahay in Madaxweynaha Soomaaliya qaldo Magacyada Dadka Xusidda Mudan ee ka soo qayb-qaatay Halgankii lagu keenay Xornimada Somaliland ay Boqortooyadii Ingiriiska ka qaadatay 26 June 1960-kii, waxaanu sixitaan ku sameeyey magacyadaas iyo qaladaad kale oo uu sheegay in uu Suugaanta iyo Dadka Reer Somaliland kaga galeen Xuskaas.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKAN