“Boobe Horta Ummadda Ha u Sheego Lacagtii Wasaaradda Warfaafinta Laga Cunay, Dadkana Af La Garanayo Ha Kula Hadlo”- Siyaasi Maxamed S. Weyne

Hargeysa (SLpost):-Siyaasiga Maxamed Saleebaan Maxamed (Maxamed Saleebaan Weyne) oo ka tirsan Xisbul Xaakimka Somaliland ee KULMIYE, ayaa Xisbiyadda Mucaaridka ku dhaliilay siyaasad xumo iyo qorshe la’aan isla markaana ku tilmaamay tallaabooyinka ay qaadaan iyo hadalladooda siyaasadeed qaar aan jiho lahayn oo xumaan aan jirin uun ka hadla iyo xag xagasho. Waxaa kale oo uu farriin tallo iyo waanu isugu jirta uu u diray Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Boobe Yuusuf Ducaalle oo uu ka daba socday eedaymo uu Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo u jeediyay.

 

Sida uu qoray wargeyska afka dawladda ku hadla ee Dawan,  Maxamed Saleebaan Weyne waxaa uu naqdiyey shirkii jaraa’id ee u dembeeyey ee Muj. Boobe Yuusuf Ducaale qabtay toddobaadkan kaasi oo ku saabsanaa arrimo khuseeya siyaasadda xukuumadda iyo tan xisbul xaakimka. “Boobe haddii uu doonayo inuu xabaallo faqo oo uu yidhaahdo lacag baa la dhacay, lacagtii  Wasaaraddii uu Wasiirka ka ahaa ee warfaafinta ha ka hadlo  oo wixii ka dhacay ummadda ha u sheego iyo lacagihii la cunay, waxaanan leeyahay indho sarcaad ha noo dhigin.

 

Haddii aad dadka la hadlaysana Af Soomaali dadku garanayaan ayaa lagula hadlaa oo ciddi garan mayso yaabkii ayaa yaabay Af Soomaali dadku kuu garto in aad tahay nin siyaasiya ku hadal.” Maxamed Saleebaan Weyne waxa uu sheegay in madaxweyne Siilaanyo ka tagayo taariikh weyn, waxaana uu yidhi “Waxaa kale oo uu  ahaa mujaahidkii dalkan xoreeyay waxaanu ka qeyb-galay dib u dhiskii dalka, nabadayntii, dawladnidii iyo dimuqaadiyadii dalkan ayuu ka qeyb-galay 80 cod iyadoo lagaga helay ayuu ogolaaday.” “Xisbiyadda mucaaradku in ay is yidhaahdaan cirka guudkiisa ka kalluumaysta maaha xaqiiqada horkooda taalla in ay ku cibro qaataan weeye ha kuna daydeen dimuquraadiyadii uu maray xisbiga KULMIYE meelna ku gaadhi maayaan xisbiyadda mucaaradku is xag-xagasho iyo is jiid-jiid,”Ayuu yidhi Maxamed Saleebaan Weyne.

 

Somalilandpost.net

Hargeysa, Somaliland