Bogga Tacsida Marxuum Maxamed Nuur (Indho-buur)

Madaxweyne ku xigeenka JSL, ahna ku simaha Madaxweynaha JSL, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil  (Saylic) waxa uu tacsi u dirayaa Qoyskii, Qaraabadii, Ehelkii Asxaabtii iyo Shacbiga Reer Somalilandba isaga oo ka tacsiyadaynaayo Geerida naxdinta leh ee ku timid Safiirkii Somaliland u fadhiyey Wadanka Kiiniya MARXUUM MAXAMED NUUR AXMED INDHO-BUUR oo maanta ku geeriyooday Nairobi Kiiniya.

Madaxwayne ku xigeenku  waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Shacabka reer Somaliland-na ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.

——————————-

Wasiirka arimaha dibeda Somaliland Dr. Mohamed C/laahi Cumar isaga oo ka tiiraanyaysan geerida naxdinta leh ee ku timid Maxamed Nuur Axmed (Indhobuur) oo ahaa wakiilka Somaliland ee Dalka Kenya, waxaa uu tacsi u dirayaa qoyskii uu ka baxay, qaraabadiisa, Jaaliyada Somaliland ee Kenya iyo umadda Somaliland oo dhan, waxaanu wasiirku ilaahay uga baryayaa inuu samir iyo iimaan ka siiyo Marxuumka isagana ilaahay raxmadiisa siiyo.

Inaa lillaahi wa inaa illayhi raajicuun.