BOGAGGA TAARIIKHDA: Sooyaalkii Ibraahin Meygaag Samatar iyo Qoraalladiisii

hg“…Haddii ay isku-fillaanshaha, dimuqraaddiyadda gudaha iyo maareynta xiisadaha ee wada-hadalka iyo qaababka nabadeed loo adeegsanayaa yihiin waxa Somaliland ka duwaya ama ka soocaya Soomaaliya, xaqiiqadu waxa ay tahay in hababkani ay yihiin qaar lagu soo bartay waayo-aragnimana lagaga kasbaday xanaftii iyo xanuunkii halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran ee SNM horseedka ka ahayd.”

Maqaalka: Mugdiga Iftiin baa ka danbeeya,

(Light at the end of the tunnel)

Ibraahin Meygaag Samatar, 1993kii,

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com

Hargeysa: 23/5/2015ka

Qormada: 1aad

Barinaye, ma barideen? Waa Sabtiile kale. Taxanaheennii inoo socday aynu mar kale innaga oo aan dabar saarin dagagarro. Waa Taxanaheennii: “Dadkii sow tan Haadkiyo, haanraawe boobeen.” Taxanuhuna raalli ha inaga ahaado inaga oo isku dabo-qaban lahayn ayaa hadba qormo kale doobta ridaysaa.

Maantana, waxaynu dib-u-milicsi aad u kooban ugu noqonaynaa Bogaggii Taariikhda iyo mid ka mid ahaa hoggaamiyayaashii SNM. Weliba waxa u sii dheer in uu ka mid yhay inta faro-ku-tiriska ah ee Qoraallo taxane ah oo la baahiyay lana daabaacay oo aad u faafay ka tagtay. Waxaan hoosta ka xarriiqayaa in uu qoraalladaas af Soomaali iyo Ingiriisiba ku qoray, taas oo keentay in meelo badan laga xigtay, dad badanina ay raad-raac ka dhigteen.

Shakhsiyadda aynu taxanahan aadka u kooban ku soo qaadanaynaa, waa Halgamaa, Shahiid Ibraahin Meygaag Samatar oo noolaa intii u dhexeysay 1941kii ilaa 2011kii oo Hargeysa lagu aasay. Aynu ku horreynno dhalashadiisii iyo barbaarintiisii carruurnimo, isaga ka hadlayayna, wuxu qoray:

“Waxa aan ku dhashay miyiga waqti dayreed oo markaa ku beegneyd Oktoobar. ama Noofambar.1941kii meel la yidhaa Qollad oo Awaare woxoogaa geesta woqooyi- galbeed ka xigta. Dugsiga Quraanka waxaan ka galay Hargeisa 1950kii. Sannad dabadiina waxaan u wareegay Elementary school Hargeisa, ka maanta loo yaqaan Sheekh Bashiir. Dugsiga Dhexe, Cammuud waxaan u gudbay 1953kii, kana dhammeeyey 1957kii. Dugsiga Sare oo Cammuud ah waxaan galay isla saannadkaa. 1959kii waxa loo raray Dugsigii Sare ee magaalada Sheekh, waxaanu ii dhammaday 1961kii. Sannadkaa laftiisa ayaan u soo baxay dalka USA. Jaamacadda aan galay waxa la yidhaa Yale University oo aan ka qaatay B.A. iyo M.A., cilmiga dhaqaalaha. Dabadeed markaan 15 sannadood shaqeynayay ayaan haddana dib ugu noqday tacliintii 1981kii. Waxan ka qaatay Ph.D. cilmiga dhaqaalaha Jaamacadda University of California, Riverside 1985kii.”

Isaga oo ilaa shan jir ah ayay hooyadii dhimatay. Ibraahin Meygaag isaga oo yar oo miyi jooga ayuu ku joogsaday awr qoodh ahaa oo ay lahaayeen oo Suqulle la odhan jiray. Waxa la ii sheegay in Meygaag Samatar geelaa ka soo iibsaday Ceeri-gaabo oo uu soo kaxeeyay Cumar Meygaag Samatar. Waxa intaa la ii raaciyay in geelaasi ka mid ahaa geelii Ismiidh (Smith) ka soo celiyay Baandadii Majeerteenka.

Nabarkii ayaa Hargeysa loo keenay si loogu daweeyo, ka dibna aabbihii Meygaag Samatar ayaa yidhi: “Dib miyigii loogu celin mayo e’ halkan ayaan tacliinta kaga darayaa.” Ibraahin Meygaag awrkaa ayaa Ilaahay sabab uga soo dhigay in uu Hargeysa soo dego. Intii aanu Ibraahin Meygaag ku dhalan miyiga odeyga iyo xaaskuba reer Ceeri-gaabo ayay ahaayeen oo awrkani wuxu ka mid ahaa geel odeyga Meygaag halkaa ka soo iibsaday.

Tacliintii hoose wuxu ku qaatay Sheekh iyo Hargeysa oo wuxu la noolaan jiray walaalkii Cali Meygaag Samatar oo ka weynaa macallinna ahaa oo hadba meel loo beddeli jiray. Cali Meygaag Samatar markii dambe wuxu noqonayaa tifaf-tirihii guud ee wargeyskii carabiga toddobaadlaha ahaa ee ‘Qarni Ifriiqiya’ ee ku hadli jiray afka xisbigii SNL ee gobannimadii 1960kii horseedka u ahaa.

1966kii ayuu dib ugu soo laabtay magaalo-madaxdii Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed ee Muqdisho isaga oo ka hawl-galay safaaraddii Maraykanka oo aanu ku raagin ee uu ka shaqeeyay lix bilood oo keliya. Lacag wanaagsan oo aan dalkaba oollin ayaa mushahar loo siin jiray, bal se Ibraahin Meygaag wuxu ka door-biday in uu shaqadii Maraykanka iskaga tago. Waxa la ii sheegay in odyaal reer Samatar Furre ahi weydiiyeen waxa uu uga tegay shaqadaa mushaharka shishleyd, waxaanu Ibraahin ugu jawaabay: “Dalka ayaanay jeclayn.”

sooyaalIntaa ka dib wuxu bilaabay in uu ka hawl-galo xarumihii dawladdii Soomaaliyeed, waxaanu ka bilaabay Wasaaraddii Maaliyadda oo uu ka noqday Ku-xigeenka Agaasimaha Miisaaniyadda sannadihii 1966kii ilaa 1967kii. Waxa loo dallacsiiyay Agaasimaha Miisaaniyadda ee Wasaaraddii Maaliyadda xilkaas oo uu hayay sannadihii 1967-1969kii, berigaas oo uu nidaamkii bahalka ahaa ee Siyaad Barred dal iyo dadba ku habsaday, xukunkana qori caaradii ku haystay muddo 21 sannadood ahayd.

Sannadkii 1969kii-1970kii ayaa Ibraahin Meygaag Samatar loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaraddii Maaliyadda ee Jamhuuriyaddii Dimuqraadiga ahayd ee Soomaaliyeed. 1970kii-1971kii, waxa uu Ibraahin Meygaag ahaa wasiirkii Maaliyadda ee dalka. 1971kii-1972kii waxa uu hayay xilka Wasiirkii wershedaha. Ilaa 1975kii Ibraahin Meygaag waxa uu ahaa Wasiirka Qorsheynta Qaranka ee Dawladdii Siyaad Barre Madaxweynaha ka ahaa. 1975kii-1976kii wuxu La-taliye u noqday Maxamed Siyaad Barre.

Bishii Juulay, 1dii, 1976kii ayaa Muqdisho lagu qabtay Shirweynihii aasaaska Xisbigii Hantiwadaagga ahaa ee Kacaanka Soomaaliyeed o loo soo gaabsan jiray XHKS. Waxaan ka mid ahaa aasaasayaashii Shirweynahaas ka qayb-galay. Waxa kale oo ka mid ahaa aasaasayaashaas Ibraahin Meygaag Samatar iyo Axmed Maxamed Maxamuud, Siilaanyo. Shirweynahaasi markii uu dhammaaday Ibraahin Meygaag Samatar waxa loo magacaabay Hoggaanka Arrimaha Xisbiga halka Axmed Siilaanyana loo magacaabay Hoggaanka Ganacsiga ee Xisbiga. Anigu waxaan ka mid noqday hawl-wadeennadii Hoggaanka idiyoolajiyada, waxaana Hoggaankaas madax ka ahaa Dr. Maxamed Sheekh Aadan oo dhaxalkiisii lagu dhisay dhakhtarka carruurta ee Hargeysa ee Hay’adda Talyaaniga ahi maammusho.

Ibraahin Meygaag Samatar ilaa 1979kii ayuu Xarunta Dhexe ee XHKS ka shaqaynyay. Waan xusuustaa in maalintii ugu horreysay ee Golihii Wakiilladii la dhaarinayay uu xafladdii furitaanka kaga dhawaaqay istiqaaladdiisii, Maxamed Siyaad Barre oo goobta fadhiyay. Madal aad loo bilay ayay ahayd. Mid ka mid ah waxyaabihii ugu yaabka badnaa ayuu maalintaa la kulmay Siyaad Barre.

LA SOCO………….