Bogagga Taariikhda: Sooyaalkii Ibraahin Meygaag Samatar iyo Qoraalladiisii – Qaybta 9aad

hg“…Haddii ay isku-fillaanshaha, dimuqraaddiyadda gudaha iyo maareynta xiisadaha ee wada-hadalka iyo qaababka nabadeed loo adeegsanayaa yihiin waxa Somaliland ka duwaya ama ka soocaya Soomaaliya, xaqiiqadu waxa ay tahay in hababkani ay yihiin qaar lagu soo bartay waayo-aragnimana lagaga kasbaday xanaftii iyo xanuunkii halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran ee SNM horseedka ka ahayd.”

Maqaalka: Mugdiga Iftiin baa ka danbeeya,

(Light at the end of the tunnel)

Ibraahin Meygaag Samatar, 1993kii,

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com

Hargeysa: 31/5/2015ka

Qormada: 8aad

 

Ibraahin Meygaag Samatar, ayaa weli inoo wada qoraalkiisii, waxaanu intaa hore ku sii kabay:

“Waxaanu aamminsannahay in naqdiga iyo doodda caynkan ahi yihiin qaar sar-ka-xaadis ah oo aan sidaa u sii qodnayn. Waa dad isku qaldaya shakhsiyaad ka tirsanaa hoggaanka SNM iyo dabciga dhabta ah ee xarakadda ama dhaqdhaqaaqa SNM. Annagu wax sidaa ka duwan ayaanu u aragnaa, waxaanu ku doodaynaana waxa weeyaan in weynaanta iyo qiimaha SNM ku jirayba waxyaabahan ama sifooyinkan aad sida taban u aragtaan ee dhalliisha idiin la muuqda. SNM iyada oo ahayd dhaqdhaqaaq taageeradiisa ka hela beel aad u koobnayd, haddana waxay ku guulaysatay in ay jilbaha u dhigto digtaatoriyad millateri oo tamar iyo taag laxaad leh lahayd.

SNM, mabda’-la’aantii lagu eedeynayay waxay siisay ama ay ka dhaxashayba madax-bannaani, debecsanaan iyo fur-furnaanba.

Maqnaansha ama madhnaanshaha ay SNM ka madhnayd hoggaan ama madax soo-jidasho iyo gole-joogba leh, madhnaanshaha ay SNM ka madhnayd ciidan ama Mujaahidiin dishibliin leh, waxaanu aamminsan nahay in ay intaasiba tahay sababihii ay kaga baxsatay ama kaga badbaadday in ay dhexdeeda ka dhismaan maamullo digtaatooriyi”.

Si fiican oo xarrago iyo xishmadba leh oo runtu ku dheehan tahay oo mowduuciya ayuu Ibraahin Meygaag Samatar qaybo badan oo qoraalkiisan ka mid ah SNM iyo halgankii hubeysnaa ee ay horseedka ka ahayd ku soo qaadanayaa. Bal hadda qormadan kooban ee aan ka soo xiganayana ila eega, waxaanu yidhi:

“Kuwa ku andacoonaya ama ku doodaya ee SNM ku naqdiyaya in aanay ku bilaabmin ama ku hawl-gelinba saldhig ballaadhan oo beeleed, waa qaar marka ugu horreysaba arrintan lafteeda qiimo tiraya ama yaraysanayaba. Malahayga halkan loogama baahna in aan si qoto dheer u taxo ama uga sheekeeyo marinnadii xanuunka lahaa ee ay SNM u martay arrintaa xaqiijinteeda. Tallaabooyinkani ma ay noqon qaar si wax-ku-ool ah loogu guuleysto bilowgii halgankii hubeysnaa, waxaanay marag cad u yihiin dhumucda iyo baaxadda uu lahaa burburkii ku dhacay mujtamaca Soomaaliyeed ee nidaamkii Siyaad Barre sababta u ahaa.

Dhowr tallaabo oo la qaadayba wax-ka-soo-qaad ayay leeyihiin:

  1. Saldhigyadii SNM ee ka furmay gobollada Dhexe (Mustaxiil) iyo gobollada Koonfureed (Baarrey),
  2. Wada-noolaanshihii ururkii SSDF-ta intii aanu khuurin ee aanu hawl-gabka noqonn,
  3. Wada-shaqayntii fir-fircoonayd iyo is-bahaysigii xigay ee USC iyo SPM ay SNM la yeelatay,
  4. Ugu dambaynna geeddi-socodkii dibuheshiisiineed ee dhex maray beelihii deggenaa gobolladii woqooyi ka dib markii uu guuleystay halgankii hubeysnaa ee SNM,

Intaas iyo in badan oo kale ayaa muujinaysa dedaalkii dheeraa ee SNM u gashay sidii ay saldhiggeeda taageero u ballaadhin lahayd ka-sokow dhibaatooyinkii badnaa ee ka hor yimid.”

Bal hadda markanna Ibraahin Meygaag Samatar, waxa uu isku deyayaa in ka hadlo aragtidii halgankii hubeysnaa, waxaanu qoray:

“….SNM iyo halgankii hubeysnaa ee ay horseedka ka ahaydba ma ay aragti la’ayn. Aragti la’aanteed waxba ma socdaan ama ma hirgalaanba. Maxaa yeelay, haddii aanay aragtiyi jirin, suurt-gal ma aha in la dhaqaajiyo ama la hawl-geliyo tiro badan oo dadweyne ah. Dhibaatooyinkii laxaadka lahaa ee SNM soo wajahay intii ay dagaallamaysay iyo naf-hurkii la yaabka lahaa ee ay uga baahatay taageerayaasheeda muddadii dheereyd ee ay dagaallamaysay, waxa keliya ee lagu hanan karayay aragti laga lahaa mustaqbalka oo la wadaagayay lana wada aamminsanaa.

Qaar war-xumo-tashiil ah ayaa laga yaabaa in ay ku doodaan in nacaybkuba tirooyin badan oo dadweynaha ka mid ah dagaal gelin karo ama ku qasbi karo in ay dagaal galaan. Waxay farta ku fiiqaan oo ay tusaale u soo qaataan Naasiyiintii (Nazis) Jarmalka oo nolosha aadanaha adduunka halis geliyay. Waxa kale oo ay tusaale iyo tilmaanba u soo qaatan dagaallada isir-tirka ah ee beryahan dambe adduunyada meelo badan oo ka mid ah ka dhaca ama ka dhacayba. Laakiin dooddan xumo-taliska iyo war-xumo-tashiilka looma qaadan karo wax wax-ka-soo-qaad leh. Marka hore wax salleelo ah oo mar-soo-dhac ah laguma dhererin karo halgannada hubeysan ee la hanto ee ujeeddooyinka laga leeyahay. Docda kale marka aad iska taagto arrintan, halgannada dhabta ahi hawl-galladooda iyo ficilladooda ayay ku muujiyaan naca iyo nacaybka hadba ay cokan yihiin ama dhaamiyayba. Xaqiiqadu waxa ay tahay in ay SNM imtixaankaa ka gudubtay.”

Intaasi haddii ay ina kala gaadhay, innaga oo weli maalaynna gaaxdii iyo fekerkii Ibraahin Meygaag Samatar ee ku beegnaa halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta qaran ee SNM, bal hadda aan ku yar hakanno sidii uu u arkayay dhismihii SNM iyo dimuqraadiyaddii dhex taallay ee dad iyo dalba lagu caano-maalay. Waa kan Ibraahin Meygaag Samatar oo mar kale soo rogaal-celiyay. Ku-ye:

“…..Marka aynu ka hadlayno halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta qaran ee SNM, dimuqraadiyadda ururka ka dhex jirtay laba siyaabood ama laba heer ayay isu muujin jirtay:

Heerka sare: Waa heerarka sare ee hoggaaminta: Guddoomiyaha, Guddoomiye-ku-xigeenka iyo Xubnaha Golaha Dhexe oo lagu soo dooran jiray Shirweyne ergooyinka ka qayb gelaya si sharciya oo hufan looga soo dooran jiray xarumaha, laamaha iyo saldhigyada SNM oo ay sidaa wakiil kaga ahaayeen,

Heerka Hoose: Waa heerarka hoose ee ay laamaha dibadda iyo saldhigyada ciidammada ee SNM hoggaankooda ku samaysan jireen,

Halkan waxa ugu muhiimsan ama mudnaanta koowaad lihi waxa weeyaan xidhiidhka ka dhexeeya xarunta iyo saldhigyada ama laamahaba. Is-maan-dhaafka dhex yaalla Xukun-urursiga iyo xukun-daaddejintu waa waxyaabaha madax-wareerka ku rida dawladaha dunida saddexaad intooda badan, marka aad iska illowdo siyaabaha ay u khalkhaliso Jabhadaha xoreynta. Xukun dhexe ama dawlad dhexe waa lama-huraan haddii la doonayo in ay ummadi tis-qaaddo iyada oo mideysan.

(La soco berri, haddii Eebbe idmo)

HALKAN KA AKHRISO QAYBIHII HORE

QAYBTII 8AAD

QAYBTII 7AAD

QAYBTII 6AAD

QAYBTII 5AAD

QAYBTII 4AAD

QAYBTII 3AAD

QAYBTII 2AAD

QAYBTII 1AAD