BOGAADIN IYO BALLAN-QAAD – Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale,

boobe yusufBogaadinta

Tabaaragga iyo Tiirka Bir ah. Allow sahal ummuuraha. Intaasi waa ducadii, ta daneedna: Waxaan halkan hambalyo iyo bogaadinba uga dirayaa Dalladda Dhallinyarada Somaliland ee SONYO oo saaka si rasmiya uga daah-furtay magaalada Hargeysa Xarun cusub oo ay dhisteen. Hambalyo ayaan leeyahay. Waxaan ka mid ahaa dadkii xafladdaa daah-furka lagu soo marti-qaaday aniga oo muddo dheer ka mid ahaa saaxiibbada ugu mudan ee Dalladda SONYO. Waxa kale oo la ii soo marti-qaaday Qoraa ahaan.

Aniga oo aan fursad u helin aan kaga hadlo madashaa sharfanayd, waxaan jeclahay in aan halkan ka gudbiyo hambalyadaydii. Hor iyo horraanba Ilaaha Nebigeennii suubbanaa ee Maxamed samaha ku uumay ayaa mahadda iska leh. Ilaahow mahaddaa. Mar labaadka waxaan halkan hambalyo iyo bogaadinba uga dirayaa dhammaan intii ka qayb-qaadatay xaqiijintii mashruucan loo aayay ee ay dhisteen Dalladda Dhallinyarada Somaliland ee SONYO.

Ilaahay waxaanu ka baryaynaa in uu noqdo dhismo loo aayo oo wax weyn ka tara horumarinta iyo dhismaha Dalladda Dhallinyarada Somaliland ee SONYO. Ilaahay ha uga dhigo madal san oo ay ku gorfeeyaan horumarka iyo korinta dimuqraadiyadda Somaliland isla markaaana ay kaga fogaadaan balwadaha iyo caabuqa sadheeyay dhallinyarada la midka ah ee Qaadka, mukhadaraadka, shaqo-la’aanta, tahriibka iyo aafooyinka kaleba ay ka midka yihiin.

Kaasi waa nabar.

Ballan-qaadka:

Halkan, waxaan akhristayaashaydii ugu bushaaraynayaa in aan u soo gudbin guud-mar aan sidaa u koobnayn oo ku saabsan Ballan-qaadkii afka ahaa ee Xisbiga Kulmiye dadka ka siistay codkoodii ka dibna kaga baxay.

Waxaynu godollo ka soo qaadan doonnaa Ballan-qaadkaa afka ahaa, innaga oo qiimayn ku samayn donnaa waxa ka qabsoomay, haddii ay jiraanba. Maa daama ay Qormooyinkeennii hore ahaayeen Khamiislayaal, waxaan soo jeedin lahaa in aynu Qormooyinkan ka dhigno Sabtiilayaal soo baxa maalin kasta oo Sabtiya iyo lammaane kale oo raaca ilaa inta aynu ka dhammaynayno. Kaasina waa Ballan-qaad.

 

 

cankaabo@hotmail.com,

www.dharaaro.com