Biyo Yaraan Soo Wajahday Magalada Burco

Burco (SL.Post ) Magalada Burco ee xarunta gobalka togdher ayaa waxa Mudoyinkii  u danbeyayba laga daremayay biyo yarood soo wajahday ka dib markii sida la shegay ay  qaar ka tirsan ceelashii soo saari-jiray biyaha ee ay lahayd wakalada biyaha burco ay ku timi Cilado Farsamo Kale duwani,

 

bur

 

 

 

Biyo yarodkani soo wajahday magalada burco ayaa taagnayd mudoyinkii u danbeyayba waxaanay dadwaynaha reer burco ay hadal hayaan sababta ay wakaladu muddoyinkii u danbeyayba  ay wax uga qaban kari-la dahay ciladahani farsamo ee la soo darsay qaar ka tirsan celashii biyaha,

 

 

Qaar ka Tirsan Dadwaynaha Reer Burco oo isku dayay inay wax ka ogadaan Biyo yaroodkani  soo wajahday magalada ayaa mar ay booqden xafiiska maareyaha wakalada biyaha burco waxay shegeen inay albabadu u labnayen xafiskasi,

 

 

waxaanay si adag u dhalileen maareyaha wakalada biyaha oo isagu shaqadii uu bulshada reer burco u hayay ka doorbiday safaro tamashlayn ah oo uu inta badan bishiiba sadex jeer ama afar jeer ku tago casimada hargeisa taasi oo ay tilmameen inuu mareyuhu shaqo ka dhigtay socdaalka hargeisa iyo burco,

 

Sidoo kale Waxay dadwaynaha reer burco habenadii u danbeyayba si wayn u hadal hayeen sababta keentay in gadiidka kale duwan ee wakalada biyuhu ay noqdaan kuwo habeen oo dhan dhex maraya suuqyada iyo xafadaha kale duwan magalada taasi oo ah mid ka soo horjeeda hanaanka dowladnimo iyada oo uu sharcigu dhigayo in aanay gadiidka dowladu soconin iyaga oo shaqo haya mooyane,

 

Geesta kale tan iyo wakhtigii wakalada biyaha burco loo soo magacabay maamulka cusub waxa uu hoos u dhac baladhani ku yimi dakhligii ay soo saari jirtay wakalada biyuhu taasi oo wakhti xaadirkani wakaladu la daala-dhacayso dayn tiro badan oo lagu leeyahay,

 

ilo wareedyo lagu kalson yahay ayaa shegaya in shirkadaha kale duwan ee bixiya adeega wakaladu ay gadodiyeen inay joojin donaan adeega ay siyaan wakalada maadama oo ay wakalada ay ku leyihiin dayn lacaged faro badan,

 

 

Sidoo kale wararka aanu ka helayno ilo wareedyo ka agdhow maamulka wakalada ayaa shegaya in sidedii bilood ee u danbeyayba aanay haba yarate wakalada ku soo kordhin wax cusub haday noqoto mashiino cusub iyo gadiid toona,

 

 

Ugu Danbayntii Wakalada biyaha burco ayaa u muuqata mid cagta saartay halkay joogtay sanadii 2010 wakhtigaasi oo ay wakalada maamuli jirtay dowladda hoose Burco.

 

 

Somlailandpost.Burco