Biyo-yaraanta Caasimadda, halista Caafimaad ee Isticmaalka Biyaha Dooxa iyo Garowshiinyaha Maamulka Wakaaladda Biyaha Hargeysa

DSCF6499Hargeysa (SLpost)- Biyo-yaraanta ka jirta Caasimadda Hargeysa oo qoysas badan oo ku dhaqani ay dhibaato ka haysato helitaanka biyo ku filan, ayaa qoysas badan kalifta inay biyaha Dooxda Hargeysa ka dhigtaan Isha kaliya ee biyaha ay cabbaan cabitaan iyo howlaha kale ee nolashooda ay u isticmaalaan.

Biyo-yaraanta sababta Isticmaalka Biyaha Dooxda Hargeysa oo aanu fayo-dhowrkiisu wanaagsanayn isla markaana sababi karta khatar caafimad oo horseedi karta Cudurrada faafa, ayaa cabasho baahsan laga muujiyey.

“Nadaafad-daro ayaa ka jirta oo waxa aad ka naxaysaa marka aad arragto halka Biyaha laga dhaaminayo dadka cabitaanka u isticmalaaya oo waxa halkan lagu soo daadinaya xashiishkii iyo khashinkii hudheelada laga soo qaado, Dadkii oo ku saxaroonaya, biyaha soo mara dooxa xili roobaadka ee soo dhex maraya saxarada iyo qashinkaasi, waxay galaan Ceelasha, markaa khatar caafimaad ayay Bulshadu halis u tahay gaar ahaan, biyahan waxa isticmaala shacabka Danyarta ah ee ku nool Xaafadaha Magaaladda Hargeysa. iyagoo Booyaduhuna inta badan ay biyaha u dhaamiyaan Xaafadaha la dajiyey Dadka barakacayaasha ah iyo xaafadaha fog-fog  ee Hargeysa, aad iyo aad ayay Caafimaadka ugu daran yihiin Biyahani. Waxa Caafimaadkayga waalay ee i dawakhiyey waa Biyahaas dooxa oo aan ku maydho, markaa waxaan ku sameeyay daraasad oo markii aan ogaaday immika waan iska kariyaa,” sidaas waxa weriyayaal ka tirsan SHABAKADDA SOMALILANDPOST.NET oo booqday goobaha Caafimaadkoodu ugu daran yahay dooxa Hargeysa, u sheegay Maxamuud Maxamed Haruun oo ka mid ah Dadka isticmaala Biyaha Ceelasha Dooxa Magaalada Hargeysa.

Marka laga yimaado dadka u badheedha cabidda biyaha ceelasha dooxa Hargeysa, waxa iyana jira dad aan ka warqabin meelaha laga soo dhaamiyo biyaha ay sidaan booyadaha iyo gaadhi-dameerada guryahooda ugu geeya ganacsi ahaan.

Cismaan Cabdillaahi Geele oo ah ganacsade meherad ku haysta faras-magaalaha u dhow dooxda Hargeysa isla markaana ka mid ah shacabka biyaha gaadhi-dameeradu ay sidaan Isticmaala, ayaa ka sheekeeyey sida aanu uga warqabin meesha laga soo dhaamiyo biyaha uu cabbo, waxaanu yidhi isagoo arintaasi ka hadlaya, “Anigu run ahaantii Biyaha gaadhi-dameerada ayaan shubtaa meesha laga keenana war umahayo oo qof walba waxa ku qasbaya baahi, markaa anigu waxaan odhan lahaa  Dadkan Biyo kale ha loo raadiyo. Markaa waxa loo baahan yahay inaad Idinku gaadhsiisaan Masuuliyiinta arrinta ay qusayso.”

Masuuliyiinta ku shaqada leh biyaha caasimadda oo ah kuwo ka warqaba arintan, ayaa u inaanay wakhti haynin qorshe diyaarsan oo shacabku kaga maarmi karaan ilo-biyoodka aan lagu kalsoonaan Karin.

Maareeyaha wakaalada biyaha Hargeysa Md Ibraahim Siyaad, oo aanu u bandhignay halista ku duugan biyaha ay cabaan shacab badan oo kamid ah kuwa uu xilka u hayaa, ayaa qiray inay jirto mushkiladaasi.

“Hargeysa gudeheeda inay ceelal ku yaalaan waa dhab, iska daa ceelasha qodane, xitaa waxa ku yaala dhaamam, saddex dhaam oo waaweyn baa ku yaala, wax laga yaabaa inay dadka qaarkood ka cabbaan, ceelashana kuwaas ayaa ka sii dhib badan xaga caafimaadka markaynu eegno. Horta ILAAHAY baa ina ilaalinayoo, cid ilaahay ka weyn oo ina ilaalinaysaa ma jirto. Anagu anaga oo kaashanayna Wasaarada Caafimaadka wakhtiyada roobabku da’aan, mararka qaarkood waxaanu samaynaa wacyi-galin, aanu leenahay Dad waynuhu ha iska ilaaliyaan,”ayuu yidhi Maareeyaha wakaalada biyaha Hargeysa,  Ibraahim Siyaad Yoonis.

Maareeyuhu wuxuu eeda ugu weyn saaray gaadiidlayda u dhaamisa xaafadaha magaalada, waxaanu ku sheegay doorka wakaalada biyuhu inuu yahay kaliya wacyi-galin ay dadka u sameeyaan taas oo ay ugu sheegayaan inay shacabku iska hubiyaan biyaha ay isticmaalayaan. “Ma jiraan astaan kala qaybinaysa booyadii ama dameerkii dooxa ka soo dhaamiyey iyo kii ka soo dhaamiyey kaalinta wakaaladu leedahay, ka maareeye ahaan fariinta aan u dirayo nimankaa dameerlayda ah ama booyado haday jiraan dooxa hargeysa ka dhaamiya ama ka dhaamiya ballayadaa Hargeysa dhexdeeda ku yaala, inay aakhiradoodana u tudhaan oo ILAAHAY ka cabsadaan, dadweynahaa ay biyaha u shubayaana u sheegaan oo ku yidhaahdaan, biyaha waxan ka soo dhaamiyey dooxiiye caruurta ha iska siinina,” ayuu yidhi maareeyuhu.

Magaalada Hargeysa oo ah caasimadda shacabka ugu badani ku nool yihiin Somaliland, ayaa biyaha nadiifta ah ee ay hesho yihiin kuwo aan dabooli Karin baahida tirada shacabka ee ku dhaqan. Biyaha Wakhtigan Caasimaddu cabto ee ka yimaadda woqooyiga magaalada ee Geed-deeble oo la dhisay wakhti ay ku noolayeen dad aan ka badneyn 250,000 oo qof, ayaan wakhtigan ku filneyn inay daboolaan baahida Shacabka ku dhan oo lagu qiyaasay tiro ka badan Hal Milyan.

SOMALILANDPOST.NET