Bilowga Sannadka Islaamka ee Berri iyo Weedha madaxweyne ku-xigeenka

Hargeysa,  (SLpost)- Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ahna ku-simaha Madaxweynaha Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ku hambalyeeyay ummada Somaliland guddo iyo dibadba farxada curashada sanadka cusub ee islaamka ee taariikhda Hijriyada 1433 oo ku beegan Sabtida Berri ah.

Qoraal caawa ka soo baxay qasriga Madaxtooyada, ayuu Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland shacbiga Somaliland Illaahay uga baryay inay sanadkan sanadkiisa ku gaadhaan bash bash iyo barwaaqo..

Waxa kale oo fasax ka ah shaqooyinkii iyo waxbarashadiiba shaqaalaha dawlada iyo ardayda dugsiyada iyo jaamacadaha ayaa dalka munaasibada sanadka cusub awgii, iyadoo ay hore uga hadashay Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Somaliland in la wayneeyo sanadka cusub ee Islaamka.

Sidoo kale, Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa ku dhawaaqday in dhamaan shaqaalaha dawladu ay shaqooyinkii ka nasan doonaan Barri.

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net