Bilowga SAFARKA BUURAHA & BANNAANKA ee Madaxweyne Siilaanyo iyo Qaabilaaddii Reer DILA (DAAWO SAWIRRO)

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Silaaanyo oo hogaaminaaya wefti balaadhan ayaa subaxnimadii maanta ka amba-baxay Caasimada Somaliland ee Hargeysa, isaga oo ku sii jeeda gobolada Gabiley, Awdal iyo deegaamada hoos yimaada gobolladaas.

Madaxweynaha oo safarkan ku soo mari doono gobolo dhawra, ayaa ujeeddadiisu la xidhiidhaa sidii madaxweynuhu ugu kuurgeli lahaa xaaladda shacabka ku nool goboladaas

IMG_5334Sida lagu sheegay war-qoraal kooban oo ka soo baxay Xafiiska xidhiidhka Saxaafadda ee Madaxtooyada, Safarka madaxweynaha oo loogu magacdaray SAFARKII BUURAHA IYO BANNAANNKA oo looga jeedo inuu madaxweynuhu socdaalkiisa ku maari doono deegaanno aanay hore u marin madaxweynayaashii hore ee Somaliland, isaga oo isaga dab-qaadi doono deegaanno buuro iyo bannaan-ba leh

“Madaxweynaha oo saaka ka bilaabay safarkiisa Arabsiyo ayaa xadhigga ka jaray dooxa abaarso oo laga hirgeliyey biyo xidheen weyn, ka dibna waxa uu madaxweynuhu soo gaadhay Gabiley, Kala-baydh oo aad loogu soo dhaweeyey isaga oo uga sii gudbay Dilla oo si cajiiba u so dhawaysay madaxweynaha una dhigtay roog cas oo daadsanaa ilaa laamiga iyo beerta fagaaraha ee ay dilli caanka ku tahay, halkaasi oo madaxweynuhu shacbigii qiimaha badnaa ee soo dhaweeyey uu kula hadlay kana dhegeystay wixii talooyin iyo tusaale ah ee ay u soo jeediyeen iyaga oo ku darsaday wixii degmada ka dhimana, isla markaasina uu madaxweynuhu u dhagax dhigay goobo dhawra,” sidaas ayaa lagu sheegay qoraalka ka soo baxay xafiiska xidhiidhka saxaafadda ee madaxtooyada.

“Madaxweynaha ayaa laamiga kaga baydhay Dilla una baydhay dhinaca buuralayda deegaamada Jaaraa-horto, Ruqi, Baki, iyo Ool-baki oo madaxweynaha loogu soo dhaweeyey si qiimo badan iyada oo loogu qado sameeyey, Degmada baki, ka dibna waxa uu madaxweynuhu ku soo hoyday Caasimada Gobolka Awdal ee Boorama oo iyana uu ku soo beegmay xili makhrib ah balse ay shacbigu tubnaayeen wadada hareeraheeda, lulayeena caleemo qoyan, astaamaha qaranka Somaliland,” sidaas ayaa lagu sheegay qoraalka.

Safarka Madaxweyne Siilaanyo maanta ka bilaabay gobolka Gabiley, ayaa lagu wadaa inuu ku galaa-bixiyo gobollo aanu hore u marin intii uu madaxweynaha ahaa, waxaanu noqonayaa safarkii labaad ee noociisa ah ee uu dalka ku maro muddadii Afarta sanno iyo Dheeraadka ah ee uu talada dalka hayey.

SOMALILANDPOST.NET