Bilawgii Hijrada

 

Kun afarboqol toddoba iyo soddon (1437) sanadood baa laga joogaa dharaartii Sayidka Ilma Aadam baxsad iyo dhuumasho kaga baxay Maka. Tolkii ayaa baadidoon dil iyo nacayb ah ugu raad joogay, waxayna ku heshiiyeen in ay qudha ka jaraan. Wiilal hubaysan oo reer Maka ah baa gaadh ka qabtay gurigiisa.

 

In ay khaarajiyaan ayey ahayd ujeeddadu. Dilkiisana waxa ku heshiiyey reer Qureysheed iyo odayaashoodii oo idil. Waxa kale oo la isla meel dhigay sida magtiisa loo bixin doono. Hase ahaatee habeen madow ayuu ka guday. Saxiib uu aad u jeclaa bay israaceen. Gurigiisii iyo gogoshiisii waxa uu kaga tagay Ina-adeerkii Cali. Cali waxa uu ka badheedhay in uu Seefta Ina Adeerkii Maxammed lala damacsanyahay isagu qoorta u dhigto, sidaas awgeed buu furaashkiisii ku seexday!. Se Alle amarkii ma ay dhicin. Nabi Maxammedna isaga oo bedqaba ayuu boqolkii kuray ee seefta ku goobayey oo wada taagan ciid ku saydhay, dabadeed inta ay dhabcaaleen midhmidh uga tallaabsaday. Sidaasna uu kaga baxay gurigii gaadhka laga hayey iyo Makadii uu ku dhashay, ee uu aadka u jeclaa.
Nabiga waxa ay israaceen saaxiib uu aad u jeclaa -Abubakar Saddiiq iyo nin kale oo dhulka kala yaqaanney. Saddexdoodii waxa ay foolka saareen woqooyiga Maka oo ay kaga beegantahay magaalada Yatrib. Yatrib waa meesha ay u qaxayeen. Wali se baadidoonkii dilka Maxammed loogu jiray isma uu dhimin. Wiilka reer Maka ee nolol ama geeri ku keena Maxammed Cabdillaahi waxa ay Qurayshi u ballan qaaday boqol halaad oo geel cascas ah iyo karaamayn. Taas ayaa dhammaantood hunguriga dhulka ka soo dhigtay, nin walibana dhankiisa baadi doon xoog leh ayuu ka galay. Maxammed iyo Saaxiibkiinaa si wayn ayaa loo raad guray.
Markii ay muddo safar ahaayeen, nabiga iyo saaxiibkii god bay galeen, si ay uga dhuntaan cadowga ku raad jooga. Waxa la sheegaa in godka ay galeen judhiiba Caaro xuub ku dabooshay. Raggii baadi doonayey oo raadka ku jooga baa raadkii kaga soo afmeermay godka hareerihiisa. Waxa kale oo la wariyaa in Shimbir iyana amar Alle qabtay raadka godka ku wareegsan tirtirtay! Sidaasna ay raggii geela u ham iyo dig lahaa ku arki waayeen meel raadkii ku idlaaday. Baadigoobayaasha qaarkoo ayaa godka ay ku jireen Nabiga iyo Saaxiibkii soo dul istaagay. Nabiga Saaxiibkii ayaa ku lahaa: waa ay inna arkayaan oo maanta inna helay, isaga oo aad u cabsi qaba. Saa Nabiguna ku lahaa: inna arki maayaan oo Ilaahay baa garabkeenna ah!!. Ragga baadidoonka ahi waxa ay hubeen in raadkii ay ku joogeen godka kaga soo afmeermay, dhan ay u dhaafaanna waayeen. Laakiin reer Qurayshayd ma ay ogayn in la wato oo aanu iska socon Maxammed, waxa kale oo ay moogaayeen in uu Nabi Alle yahay, iyo Rabbigiisu ballan ugu qaaday in aan gacan Aadame dilayn. Hase ahaatee iyagu baadidoonkii waa ay wadeen.
Suraaqa Binu Maalik waxa uu ka mid ahaa ragga baadi goobayey Nabiga, waxaanu ahaa khabiir xagga raad gurka ah. Markii Nabiga iyo Saaxiibkii godka ka soo baxeen buu helay raadkoodii! Cagta ayuu cagta u saaray. Markii uu muddo raad hayey baa sheedda wax uga bidhaameen, in ay dad yihiin ayuu yaqiinsaday. Faraskii inta xoog u gungundhiyey baa inta taagtii orodsiiyay. Saa Faraskii boodh kiciyay xawaarihii. Waxa uu gartay in ay yihiin Maxammedka la raadinayey iyo laba nin oo kale. Ruuntii aad buu ugu farxay waxaanu suuraystay guul. Waxa uu isdaawadsiiyey boqol halaad oo bannaanka Maka loogu tirinayo iyo isaga oo ku guulaystay in uu tolkii u geeyo Maxammed oo Maxbuus ama Mayd ah. Waa uu ku soo dhawaaday, faraskuna si aan caadi ahayn buu u fadlinayey. Hase ahaatee markii Suuraaqa uu ku soo dhawyahay Saddexda nin ayey wax yaab lihi dhaceen. Faraskiisii baa afarta lugoodba dhulka u galeen. Dhanna waa u dhaqaajin waayey. Yaab iyo fajac bay ku noqotay!. Aad buu u walaacay, geeli cascasaa na markale buu xasuustay. Laakiin waxba ma uu samayn karayn. Maxammed buu ka codsaday in uu Allihiisa u baryo oo iska noqonayo haddii faraskaasi meesha uga baxo. Sidii baa dhacday, Ilaahay buu Nabigu u baryey, dabadeed faraskii ayaa “Fakh” cagaha kala soo yidhi dhulka!. Suraaqa ballantii waa oofiyey oo wuu iska noqday. Laakiin rag damac iyo dacari kama dhammaato baa hore loo yidhi. Kolkii uu inyar ka sii maqnaa baa hunguri qaaday oo uu xasuustay ninkan uu ka soo noqday in geel cascas lagu helayey. Bi’i waaye fursadda ha dayicin buu isku canaantay. Masaa gadaal u majeeray xisaankiisii sidii oo kale ayuu xawaare ku eryay. Marka uu intii in la mid ah u soo jiroo mise afartii lugood baa faraskii mar labaad dhulka u galay “Dig”! iyo mar saddexaad ba. Aakhirkiina waa uu iska laabtay. Waayo waxa uu garawsaday in lagu lammaanyahay ninkan uu geela ku rabo. Waxa kale oo la sheegaa in uu goobtii ku Muslimay Suuraaqa Binu Maalik. Sidoo kale markii uu sii socday waxa la sheegay in rag kale oo waydiiyay uu u sheegay in uu ka soo quustay isba, oo ay iska noqdaan iyaba!
Nabi Maxammed iyo Saaxiibkii waxa ay baxsadkii iyo qixii ku soo gaadheen Quba. Quba, waxa ay ku taallaa Maka da ay ka soo hayaameen iyo Yatribta ay u socdaan dhexdooda. Halkaas buu Nabigu ka dhisay masaajid loo bixiyey Quba. Quba, waxa uu noqday sooyaalkana ku galay in uu yahay Masaajid la dhiso kii u horreeyay ee Islaamka!. Waanu dhaafay Nabigu, oo u sii socday xaggii Yatrib.
Yatrib oo markii dambe magaceeda loo baddalay “Madiina”, waxa ku sugnaa dad badan oo qaatay diinta Islaamka. Qixii(Hijradii) iyo dhuumashadii Nabiga iyo Saaxiibkii Maka kaga soo hulleeleen ka dib, duleedka Yatrib bay soo gaadheen iyaga oo bad qaba. Reer Yatrib si aad u wayn ayey u naawilayeen imaatinka Nabi Maxammed. Duleedka Magaalada ay ku sugnaayeen Muslimiintii Yatrib oo dhami. Markii ay arkeen waftigii ay dhowrayeen ee Maka ka soo hayaamayn, waxa ay markali ah isla heleen farxad iyo suugaan soo dhawayn oo ay ugu dabbaal dagayeen. Si aad u wayn baa Nabiga iyo waftigiisa Yatrib loogu soo dhaweeyay, markii dambena loogu soo galbiyey gudaha magaalada.
Waxa yaab lahayd in la isku qabsaday cidda marti galin doonta Nabiga ee uu guriga la dagi doono. Nin waliba nebiga in uu marti geliyo wax uu ka jeclaa ma jirin. Muran xooggan iyo dood ka dib waxa la go’aamiyey in la daayo hasha Nabiga oo la eego guriga ay hor yuurusato. Saxaabi Abu Ayuub gurigiisii bay “hambash” ku tidhi. Halkaasna Abu Ayuub nasiib ugu helay marti galintii Nabiga. Waxa ay u hayd guul wayn oo taariikhi ah iyo barako iyo liibaan uu nasiib u helay Abu Ayuub.
Magaalada Yatrib waxa ay noqotay goob dawladda Islaamku ka unkantay, awood iyo xoogna ku yeelatay. Dad badan oo Nabiga hortii u hayaamay baa ku sugnaa, kuwo reer Yatrib ah oo Islaamka qaatay baa ku sugnaa, markii Nabigu tagayna waxa ay noqotay Caasimadda Islaamka. Maalintan uu Yatrib Nabi Maxamed yimidna waxa waa dambe lagu asteeyay barbilawga sannadka Muslimka oo loogu magac daray hayaankaas/Qaxaas(Hijra). Maantana waxa laga joogaa 1437 sano oo buuxa.

Fiiro Gaar ah: Qoraalkani wuxuu ka mid yahay buug dhowaan soo bixi doona oo la yidhaa “Dayixii Iftiimay”.

Saddaam Xuseen Carab

saddamcarab@gmail.com