“Berigii Hore Musuq-maasuqu Dil Buu Ahaa, Heshiiskii Dekeda Berbera Waxa La Gaadhsiiyay 20,000 Dollar Ay Xildhibaanadu Ku Codeeyaan.” Xasan Guure

Hargeysa  (SL.Post) Guddoomiyaha Madasha wadatashiga iyo toosinta qaranka Xasan Guure Jaamac, ayaa Xildhibaanada Golaha Wakiillada ku eedeeyay inay dano dhaqaale ka dorteen masuuliyada ay shabcigu u igmadeen.

 

 

Xasan Guure waxa kale oo uu sheegay inay musuqmasuq ku ansixiyeen heshiiskii DP World iyo Xukuumadda Somaliland.

 

 

 

“Musuq maasuqu wuxuu gaadhey in labadii haayadood ee u sareeyay Waddanku in ay wax  kala iibsadeen, Heshiiskii (Dekada Berbera) waxa la gaadhsiiyay 20,000 oo dollar si ay xildhibaanadu u codeeyaan.”ayuu yidhi Xasan Guure Jaamac oo u waramay STAR TV.

 

 

 

 

Guddoomiyaha madasha wadatashiga waxa uu intaas ku daray,  “Markaad dooda Baarlamaanku siday u bilaabanto eegto, waxaa la is lahaa malaha dunida ragbaa ku nool, waxaase muuqatay malintii dambe in heshiiska Dekada Berbera cod la galiyey oo habeenimadii lasoo wada hadlay. Berigii hore musuq maasuqu dil buu ahaa, mar dhexe ceeb ayuu ahaa laakiin waxaa ka dambaysay isagoo amaana.” ayuu yidhi Xasan Guure Jaamac

 

 

Somalilanpost.Hargeysa