Berbera: Weerar daba-socda Rasaaseyntii Xildhibaan Qabile lagula kacay oo Khasaare Dhimasho iyo Dhaawac Isugu jira Sababay

news1Hargeysa (SLpost)- Askari magaciisa lagu sheegay Tabaarik Maxamed Ducaale oo ka tirsan ciidamada, ayaa caawa ku dilay magaalada Berbera haweenay la odhan jiray Xamda, kuna dhaawacay wiil dhallinyaro ah oo uu dhalay Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland.

Dhacdadan ayaa ka dambaysay ka dib markii laba wiil oo uu dhalay Xildhibaan Qabile ay weerar ku qaadeen Tabaarig Maxamed oo 21kii October ee sannadkii hore magaalada Hargeysa ku rasaaseeyay Xildhibaan Qabille, balse ka bad-baaday rasaaseyntaas oo loo micneeyey isku-day dil.

Sacad Maxamed Faarax oo uu dhalay Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile iyo dhawr qof oo wehelinayay ayaa weerar gacan ka hadal ah ku qaaday Tabaarig Maxamed Ducaale oo hore u sigay aabbahood haseyeeshee wuxuu ku riday rasaas sababtay inay ku geeriyooto haweenaydaasi iyo dhaawaca soo gaadhay rasaasta wiilka uu dhalay xildhibaanku.

Warku waxa uu intaas ku daray inuu isla markiiba meesha ka baxsaday Ninka rasaasta riday.

Askarigan ayaa la sheegay inuu cararay markii weerarka lagu soo qaaday oo uu tegay Saldhigga Booliska oo ay ka soo raaceen askar boolis ah, balse markii dadweynihii iyo askartii iska hor yimaadeen uu riday rasaasta Geerida iyo dhaawaca sababtay, sida ay sheegeen goob-joogeyaal ku sugnaa goobta uu shilku ka dhacay.

Masuulliyiinta Gobolka Saaxil iyo Wasiir-ku-xigeenka Aminga oo wakhtigan ku sugan Berbera, midkoodna kama hadal dhacdadan oo xiisad ka abuurtay Berbera, mar aanu isku-daynay inaanu la xidhiidhna-na nooma suurto-galin inaanu ku helno khadka telefoonka.

Tabaarig Maxamed Ducaale, wakhtigaas uu weeraray xildhibaan Qabile isla markiiba baxsaday, haseyeeshee ciidamada Ammaanka oo daba-gal ku sameeyey ayaa gacanta ku soo dhigay, waxaanu xidhnaa muddo kooban, iyada oo markiiba layska sii daayey iyada oo aan la horkeenin wax maxkamad, arrintaasi waa ta sababtay inay wiilshada xildhibaanku dhalay weerarka ku qaadaan Askarigan ka tirsan Ciidamada Qaranka.

SOMALILANDPOST.NET