“Berbera Waa Sodoh, Sanadkana Sodoh Wayn Bay Noqonaysaa Maadaama Reer Berbera Murashax Yihiin”Muuse Biiixi Cabdi

????????????????????????????????????

Weftigii uu hogaaminayay Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay gelinkii dambe ku soo laabtay magaaladda Hargeysa kadib markuu soo dhamaystay socdaal dhawr maalmood qaatay oo uu ku tegay gobolka Togdheer oo diiwaangelinta codbixiyuhu ka bilaabatay.

Gudoomiye Muuse Biixi ka hor intii aanuu u soo gudbin Hargeysa wuxuu ku hakaday oo lagu soo dhaweeyay magaaladda Berbera, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen masuuliyiinta maamulka gobolka Saaxil, maayarka Berbera Cabdishukuur Ciddin, maareeye xigeenka dekedda Cumar Abokor, masuuliyiin kale iyo qaar ka mid ah dadka deegaankaasi. Gudoomiye Muuse Biixi oo soo dhawayntaa kadib ka mahadcelinayay wuxuu yidhi; “Anigoo ku hadlaaya magaca weftiga oo ka kooban golaha wasiiradda, golaha wakiiladda, golaha guurtida iyo hogaanka xisbiga oo dhan, waxaanu ka mahadnaqaynaa sidaa noo soo dhawayseen. Togdheer baa laga bilaabay diiwaangelinta, iyadaanu ka hawl galay, saaxilna marka laga bilaabayo waa imanaynaa iyo gobol walba. Horraa loo yidhi Berbera waa sodoh, sanadkana waxaan u malaynayaa inaad sodoh wayn noqonaysaan, oo xil badani idin fuulayo maadaama reer Berbera murashax yihiin, markaa qof walba oo Saaxil jooga dadaal baa laga rabaa, inuu kaadhka codka qaato inuu hawl galo, xilkaasina wuu idinku soo kordhee ogaadda.”