BERBERA: Softwareka KAYDKA SUUGAANTA oo La Soo Bandhiggay

Berbera(SLpost)-Waxa habeenkii xalay hoolka jaamacadda culuumta badda ee magaalada berbera lagu soo bandhigay soft ware lagu ururiyay 48 abwaan sugaantoodii iyo waliba silsilado Suugaaneed. Soft warekan oo KAYDKA SUUGAANKA oo uu ikhtiraacay Eng. Mustafe Cali Diiriye oo aqoonta Tiknoolajiyadda ka bartay Jaamacadda Hargeysa ayaa waxa munaasibaddiisa soo qabanqaabiyay Akaadamiyadda Caqli-kaab waxaana ka soo qaybgalay guddoomiye ku xigeenka gobolka saaxil xildhibaanno ka mid ah golaha deegaanka degmada berbera, Maamulaha kastamka Berbera isuduwayaasha Wasaaradaha caafimadka, Diinta awqaafta iyo maaliyadda ee Gobolka Saaxil

 Eng Mustafe Cali Diiryye oo ugu horayn ka warmay softwareka iyo marxaladihii kala duwanaa ee la soo maray mudadii uu waday, waxaana uu ka soo qayb galayaasha uga mahadnaqay wakhtiga ay soo siiyeen.

Halkan Hoose ka daawo Soo Bandhigidda Kaydka Suugaanta ee Berbera