Berbera: Shaqsiyaad Dhismayaal iyo Seesas ka bineeyey Dhul Dan guud ah iyo Guryo dawladdu lahayd oo Madaxweyne Siilaanyo Go’aan Adag ka soo saaray

Hargeysa (SLpost)- Dhulka danta guud iyo Guryaha dawladda ee ku yaalla magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil oo Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxmaed Maxamuud (Siilaanyo) Digreeto ku xayiray bixintiisa, dhisashadiida, wax ka beddelkiisa iyo wax ku kordhintiisa-ba sannadkii hore, ayaa laga jeexay dhismeyaal iyo seesas cusub oo aan la ogeyn cidda oggolaanshahooda bixisay.

DSC_0037Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed-Siilaanyo, ayaa digreeto uu soo saaray Bishii June ee sannadkii hore, kuna socodsiiyey Maamulka gobolka, degmada iyo Taliyeyaasha Ciidammada ee Gobolka Saaxil, waxa uu ku xayiray bixinta iyo ku-tasarufka dhulka Danta guud ee magaalada Berbera, waxaanu amar ku bixiyey in tallaabo laga qaadi doono ciddii bixisa dhulkaas oo ah dan guud.

Qaybo ka mid ah Dhulka Danta Guud ee Madaxweynuhu xayiraadda saaray iyo dhismeyaal dawladdu leedahay, ayaa shakhsiyaad isugu jira Ganacsato iyo Masuuliyiin hore xilal uga soo qabtay Xukuumadda Somaliland ka hirgeliyeen dhismeyaal cusub halka qaar kalena burburiyeen dhismayaal dawladdu leedahay oo ku yaallay si ay ugu beddeshaan dhismeyaal cusub oo ay ka dhistaan.

Lama garanayo cidda u siisay shakhsiyaadkan oGgolaanshiyaha lagu buriyey amarka Madaxweynuhu ka soo saaray ku-tasarufka Dhulka Danta guud iyo dhismeyaasha Dawladda, mana jiro go’aan dambe oo laga soo saaray bixinta dhulkaas Danta guud oo Madaxweynuhu xayiraaddiisa ku sababeeyey si loo helo dhul baaxad leh oo mustaqbalka dhaw looga faa’iidaysan karo sida ugu habboon ee dalka manaafacaad iyo waxtar u leh.

Badhashaab Ku-xigeenka gobolka Saaxil Khadar Cali Cilmi iyo Isu-duwaha Wasaaradda Hawlaha Guud, Guryeynta iyo Gaadiidka ee gobolka Saaxil Aadan Axmed Cabdi oo Wargeyska Himilo wax ka weydiiyey arrintan, ayaa labadooduba ka gaabsaday inay ka hadlaan, iyaga oo cidda arrintan qaabbilsan isaga riixay Masuuliyiinta ka sarreeya sida Badhasaabka gobolka Saaxil iyo Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeynta.

Isu-duwaha Wasaaradda Hawlaha Guud ee gobolka Saaxil Aadan Axmed Cabdi, ayaa iftiimiyey inay wax ka jiraan dhismayaasha, balse waxa uu ka gaabsaday inuu wax tafaasiil ah ka bixiyo, isaga oo ku dooday inaanu wax oggolaansho ah u haysan ka-hadalka arrintan oo uu isaga riixay dhinaca Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Cabdirisaaq Khaliif Axmed.

“Wixii War-bixin ah ee shaqadayda khuseysa, anigu cid baan u gudbiyaa, ama Maamulka gobolka ama Wasaaradda ha ahaatee, khaladka aan arko Cid baan u gudbiyaa, laakiin Wasaaraddu way ogtahay, Madaxweynuhuna wuu ogyahay cidda wax bixisa ee awoodda intaas le’eg leh. Qofkii la lahaa wuu dhisanayaa inaad weydiisaan baa habboon.” Sidaa ayuu yidhi Isu-duwaha Wasaaradda Hawlaha guud, guryeynta iyo gaadiidka ee gobolka Saaxil Aadan Axmed Nuur.

DSC_0035Sidoo kale, Badhasaab Ku-xigeenka gobolka Saaxil Khadar Cali Cilmi, ayaa isaguna ka-hadalka arrintan isaga riixay dhinaca Badhasaabkii hore ee gobolka Saaxil ahna Wasiirka Ku-xigeenka cusub ee Amniga Cali Maxamed Cilmi iyo Badhasaabka cusub ee Madaxweynuhu dhowaan u magacaabay gobolkaas Fahmi Cabdi Bidaar oo aan isagu waxba kala socon nidaamka Maamul ee gobolkaas maaddaama oo uu xilka ku cusub yahay.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyey Cabdirisaaq Khaliif iyo Maayerka magaalada Berbera Cabdishakuur Ciddin oo aannu kula xidhiidhnay khadka telefoonka si aannu wax ka weydiinno waxa ay kala socdaan Dhulka Madaxweynuhu hore u xayiray ee dhismeyaasha iyo seesaska laga bilaabay, ayaanay noo suura-gelin inaannu wax jawaab-celin ah ka helno, telefoonnadooda gacanta oo ay naga qaban-waayeen xilliyo kala dwaun oo aannu la xidhiidhnay awgeed.

Ilo-wareedyo Wargeyska Himilo ka ogaaday arrintan, ayaa tibaaxay dadka dhisanaya dhulkani inay sitaan waraaqo caddeynaya oggolaansho Dhulkaas Mulkiiyaddiisa loo siiyey, iyada oo dhismeyaasha qaarkood oo guryaha ganjeelooyinka ee waaweyn ah laga dhammaystiray, dhul bannaan oo hore loo seesay iyo dhismeyaal qadiimi ah oo dawladdu leedahay oo shakhsiyaadkaas ka mid ahi ka binneynayaan goobo hore ay uga dhisnaayeen.

DSC_0039Ilo-wareedyadani may magac-dhebin shakhsiyaadka la sheegay inay isugu jiraan Masuuliyiin hore xilal uga soo qabatay Xukuumadda Madaxweyne Axmed-Siilaanyo iyo Ganacsadeyaal si weyn looga yaqaanno gobolka Saaxil.

Si kastaba ha ahaatee, iyada oo tallaabadani ka hor imanaysa go’aankii Madaxweynaha Somaliland ka soo saaray bixinta dhulka danta guud, isla markaana uu amray tallaabo sharci ah in laga qaado cidda awooddeeda u adeegsata bixinta dhulka, waxa Guddoomiyaha cusub ee gobolka Saaxil iyo Maayerka degmada Berbera oo Masuuliyaddiisu si gaar ah u saaran tahay looga fadhiyaa inay ka badheedhaan, isla markaana caddeeyaan cidda bixisay oggolaanshaha dhulka xayiran ee Mulkiladdiisa cidda gaarka ah loo hibeeyey, iyada oo aan la shaacin sifaha sharci ee loo maray.

 

XIGASHO: HIMILO