Berbera oo Marti-gelisay tiradii ugu badnayd Qaxoonti ka yimaadda Yemen, Dalalkay u dhasheen iyo Weedhaha Masuuliyiintii Qaabbishay

Berbera (SLpost)- Doonni ay saaran yihiin tiradii ugu badnayn ee mar kaliya ku soo xidha Dekedda Berbera oo Haween iyo Carruur u badan, ayaa xalay soo gaadhay magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil, waxaana dadkan  qaabiley oo soo dhaweeyey Maamulka Dekedda, Degmada Berbera iyo Gobolka Saaxil.

Dadka Qaxoontiga ah oo ka kooban Soomaali iyo Carab isla markaana noqonaya qaybtii 2aad ee soo gaadha Dekedda Berbera tan iyo markii dagaalladu ka bilaabmeen dalka Yemen, ayaa tiradoodu ka koobanayd 142 qof oo u badan Soomaali u kala dhalatay waddamada Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya, halka sidoo kale ay ku jiraan tiro muwaadiniin u dhalatay dalka Yemen.

qaxoonti21Doonta ay saarnaayeen dadka Qaxoontiga ah oo Xukuumadda Somaliland ka sii war-haysay imaanshahooda, waxa dekedda Berbera ku qaabiley, marka laga yimaaddo maamulka, saraakiil ka kala socday hay’adaha Caalamiga ah ee arrimaha Qaxoontiga qaabilsan oo ay weheliyaan masuuliyiin ka socday Wasaaradda Dib-u-dejinta Somaliland.

Guddoomiyaha Gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar, Maareeyaha Dekedda Berbera Eng Cali Cumar (Cali Xoor-xoor) iyo Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Ciddin) oo saddexdoodu goob-joog u ahaa howsha soo-dhawaynta Qaxoontiga, ayaa sharraxaad ka bixiyey qorsheyaasha ay ugu talo-galeen qaabbilaadda dadka qaxoontiga ah ee Maatida u badan.

Ugu horeyn, Maareeyaha Dekedda Berbera Eng Cali Xoor-Xoor oo ka hadlayey tirada dadka iyo waddamada ay u kala dhasheen, ayaa yidhi, “Waxa halkan caawa (xalay) inagu soo gaadhay 142 qof oo qaxoonti ah oo ka yimi Yemen, dadkaasi waxay u badan yihiin dad reer Somaliland ah iyo Reer Soomaaliya, Carab-ina waxay ku jirtaa, carruurta iyo Haweenka ku jiraana way ku badan yihiin. Si nabad ah ayay nagu soo gaadheen.”

Maayarka Magaalada Berbera Cabdishakuur Xasan Ciddin, ayaa sheegay inay magaalada Berbera uga diyaariyeen goobo la dejin doono dadka qaxoontiga ah, waxaanu yidhi, “Waxaanu halkan ku soo dhawaynay dadkaas qaxoontiga ah, waxa loo diyaariyey goobtii lagu daryeeli lahaa, hadday tahay wax ay cunaan, hadday tahay meel ay seexdaan iyo hadday tahay caafimaadkoodii. Waxaana u diyaar ah hay’adihii Caalamiga ahaa”

Sidoo kale, Badhasaabka Gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar, ayaa isaguna sheegay inay muddo laba maalmood ah diyaar-garow ugu jireen soo-dhawaynta dadka Qaxoontiga ah, waxaanu yidhi, “Waxaanu maanta ilaa shalay qaban-qaabinaynay sidii aanu ugu diyaar-garoobi lahayn dadka saaran Doonta oo carruur iyo Haween u badan.”

Somalilandpost.net