Berbera: Maxkamadda Oo Fasaxday Suxufiyiintii Xidhnaa Ka dib Markii Waxba Lagu Soo Caddayn Waayey

 

Berbera(SLpost)-   Wariye Axmed Siciid Maxamed iyo wariye Cabdiraxmaan Maxamed Cige ayaa xorriyaddooda dib u helay kadib markii maalmihii la soo dhaafay ay ku xidhnaayeen magaalada Berbera. waxaa loo haystay eedo la xidhiidha warar ay ka faafiyeen wasiirro lagu foodhyay mar ay shicibka u khudbadaynayeen. Sidoo kale waxa isaguna la soo daayey Hal-abuur Maxamed Xasan Cajaa’ib oo la xidhnaa.

 

Garsoorka Saaxil ayaa suxufiyiinta iyo abwaanka u celiyay xorriyadooda kadib markii Booliska iyo xeer ilaalintu soo dhammaystiri waayeen eedaha loo haysto, waxaannay maxakamaddu diidday 4 maalmood oo dheeraad ah oo xabsiga lagu sii hayo shakhsiyaadkan, taas oo booliska iyo xeer ilaalintu ku dalbadeen inay soo dhammaystirayaan eedaha loo haysto.

 

Magaalada Berbera waxaa isa soo taraya xadhiga wariyeyaasha oo noqday mid soo noqnoqday, balse ilaa hadda ma jiro wariye xukun maxakamadeed ku dhacay oo lagu helay dambiyo loo xidhay. Baaq uu guddoomiyaha maxkamadda sare dhawaan ayaa qeexayayey in aan la xidhi Karin suxufina ilaa dacwad lagu soo oogo oo si sharci ah loogu geeyo warqadda dalbashada, ama maxkamaddu ku socoto isaga oo suxufigu shaqadiisa iska wata.

 

Bahda garsoorka ayaa dib u habayn badan uu ku sameeyey guddoomiyaha maxkamadda sare Aadan Xaaji Cali Axmed, taas oo durba laga dareemayo caddaalad iyo u garnaqid sharci ah oo dadweynuhu dareemeen.