Berbera Iibkaa Ku Badan

Marka hore waxaan halkan ka salamayaa DHamaan  bahda warbaahinta meelkasta oo ay joogaan  , bacdal salaan waxaan kaloo salaamaya bahda jecel akhriska iyo qalinlayda.

Magaalada Berbera waa magaalo aynu ognahay halka ay inagaga taal ,waa lafdhabarta  dhaqaalaha Somaliland , waa magaalada kaliya ee aynu caalamka ugu faano taas oo leh dekad caalamiya , bada ugu dalxiiska badan, ugu qurux badan , iyo goobo dalxiisba sidaa awgeed maanta berberi waxay u baahan tahay , in la dhiso oo gacmaha la qabto laakin uma baahna in maalinba la idhaa Meel dawladu lahaan jirtaybaa la iibinayaa ama cid lagu wareejinayaa, taas waxaan u arkaa nusqaan iyo hoos u dhac dawladeed, runtii marka dawlad

laga hadlayo waxa la qiimeeyaa dawladaasi maxay awood shaqo leedahay, maxay dhaqaale leedahay, maxayse meelo muhiima leedahay, marka intaa la is waydiiyo ayaa jawaabta la qiimeeyaa , hadaba inagu maxaynu hanta dawladeed ama wax soosaar leenahay, jawaabtu waa waxba, marka laga reebo Dekada iyo Haamaha shidaalka oo ay dawladu gacanta ku hayso, Haddiise labadaas la wareejiyo xaalad caynkee ahbaa ka dhalan karta, Runtii Haamaha iyo dekadu waa wadnaha dawlada Somaliland waana labada kaliya ee aynu markasta ku faano  , mustaqbalkooduna waa mid aad u sareeya oo rajada laga qabaa waa mid aad u wanaagsan, xaalada imika ay ku jirtaana waa mid aad u wanaagsan oo isku filnaansho dhaaftay.

Haamaha shidaalka:haamuhu shidaalku  waa Meel  xaasaasi mana wanaagsana in ay inoo dhaafto gacan shicib ama shisheeye waa meel muhiim u ah, dawlada ,  bulshada iyo cidkastaba, waa meel haddii lagaa qabsado maamulkeeda iyo ilaalinteeda uu wadanku gali karo xaalad madaw ah.

Dekada:  Dekada waa halbawlaha iyo dhaqaalaha Somaliland iyana waa meel aynu dawlad ahaan maamulno, waa meel aynu ku xisaabtano waxsoo saarkeeda iyo dhaqaalaheeda markaas waa meel aynu caalamka waydiisan karno in laynoo maal galiyo oo kaliya laakin maamulkeeda aynu gacanta ku hayno , waa meel shaqada imika hayso shaqo ka badan u baahan si aynu u soo jiidano wadamada jaarka oo u baahan dekedeena inay isticmaalaan.

Madaarka: Berbera waxa ku yaal madaarka ka mida kuwa  ugu balaadhan AFRICA waana 4.2 KM waa madaar in badan laga shaqeeyay una baahan in shaqadii loo qorsheeyay sideedii looga bilaabo, isaguna wuxuu u baahan yahay in  dar-dar xoogan la galiyo oo laga shaqaysiiyo.

Gabo-gabo: —————

Waxaan ku soo gabagabaynayaa  oo aan ku talinayaa dalkan bulsho ayaa leh cid gaara ma laha , waa dal loo soo halgamay, waa dal loo soo maray dibu xorayntiisa wadooyin adag, sidaa awgeed ninka doonaya inuu si fudud ku iibsadaw lagaa aqbali maayo, baahikasta oo taal waa xaaraan in xoolo dawladeed oo shaqaynaya oo wax soosaar leh lagu wareejiyo rag calooshooda u shaqaystayaal ah oo dan gaara wata .

Hantida dawlada waxa ku qoran dastuurkeena haddii ay baahi timaado waa la iibin karaa inkasta oo qodobkaasi ahaa qodob xaaraan ah oo aan muhiim u ahayn qaranka haddana , waxa muhiima in wixii la arkayo in qalad ay tahay la saxo laakin maaha in qaladkii la sii wado adoo arkaaya, xoolaha ama hantida dawlada waxa banaan in la iibiyo marka ay cidlo tahay ama aanay munaasib ahayn waxaasi oo aan loo baahnayn sidaa awgeed waxan kaga baxayaa aynu hantideena ilaashano, aynu wax soosaar samayno aynu kor u socona laakin yaynaan hoos u noqon .

Contact

Farhan Mohamed Sultan Nur (Rakad)

Mobile: 063-4400319