Berbera: Waddo Laami ah oo isku xidhaysa Dekedda iyo Suuqa Dhexe oo Dhismaheeda la bilaabay (VIDEO)

Berbera (SLpost)-Dhismaha waddo cusub oo laami ah ayaa maanta laga bilaabay gudaha magaalada berbera taasoo loogu talo galay in ay si gaar ah u adeegsadaan gaadiidka badeecadaha ka qaadaya Dekedda iyo kuwa gaynaya.

Waddadan laamida ah oo dherekeedu dhan yahay masaafo ku dhow hal kilomitir iskuna xidhaysa dekedda iyo suuqa dhexe ee magaalada waxaa hirgelinteeda iska kaashaday maamulka Dekeda Berbera iyo dawladda hoose ee degmadaasi.

Maareeyaha dekedda Berbera Engineer Cali Cumar maxamed (Xoor-Xoor) oo ka hadlay bilowga dhismaha wadadan ayaa sheegay inay door muhiim ah ka qaadanayso habsami u socodka hawlaha dekeda iyo u fududaynta ganacsatada iyo gaadiidkooda raran oo ay ka yaranayso cidhiidhiga dhinaca waddo marista ee gudaha magaalada. waxana maareeyuhu sheegay in dhismahani qayb ka yahay talaabooyinka horumarineed ee Xukuumadda Somaliland ugu talo gashay dalka gaar ahaan magaalada Berbera.

DAAWO VIDEO-gan

[youtube http://www.youtube.com/watch?v=T9f5bWdyVMg]

SLpost News/Berbera