Beesha Xuseen Xasan oo kamida Beelaha Tol-jecle oo Caaqil cusub doortay iyo Munaasibada lagu caleemo-saaray

Hargeysa (SLpost)- Magaalada Hargeysa ayaa maanta lagu caleemo-saaray Caaqil Mowliid Dayib oo kamid noqon doona Cuqaasha Beel-weynta Toljecle (Axmed Sheikh Isaxaaq) oo kamida Beelaha dega Somaliland iyo Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Caaqilkan oo ay dooratay Beesha Xuseen Xasan oo kamida Beelaha Toljecle, Munaasibada lagu caleemo-saaray, waxa ka qayb-galay Madaxdhaqameedyada , Cuqaasha , Ganacsatada,  waxgaradka Beeshaasi, hogaanka horumarinta iyo Dadweyne tiro badan oo kamida Deegaanka Caaqilku ka soo jeedo.

Ugu horayn, waxa munaasibadan ka hadlay, Oday Mowliid Axmed Xasan, Oday Ciise Aw Muuse Nuur iyo Caaqil Cabdiraxmaan Yuusuf Aadan oo kamida Odayaasha Ardaaga Caaqilka cusub doortay, waxaanay ka warameen qabanqaabadii Xafladan  caleemo-saarka iyo marxaladihii ay soo martay, iyadoo sheegay inay beeshu muddo ka baaraan-degaysay xulashada Caaqilka cusub, gabagabadiina isku raacday inuu noqdo Dayib Mawliid Axmed.

Chief Caaqil Maxamed Aw Cismaan, Chief Caaqil Axmed Aw Ibraahim, Caaqil Axmed Cali Ibraahim iyo Cuqaal kale oo iyaguna xaflada ka hadlay ayaa soo dhaweeyey Caaqilka  cusub, waxaanay  alle uga baryeen inuu u fududeeyo Masuuliyada loo caleemo-saaray, kulana shaqayn doonaan howsha loo igmaday.

Xubno isugu jira aqoonyahanno iyo Siyaasiyiin ka soo jeeda Beelaha caaqilku ka soo jeedo ayaa dhankooda ku dheeraaday aqoonta macaarifo ee ay u leeyihiin Caaqilka cusub iyo sida ay ugu kalsoon yihiin howl-karnimadiisa shaqo iyo xeel-dheeridiisa maamul.

Guddoomiyaha Guddida Horumarinta ee Talo-same Xaaji Axmed-yaasiin Xaaji Cabdilaahi Abusite iyo Suldaanka guud ee Beelaha Toljecle Suldaan Axmed Daahir Muuse, ayaa iygauna munaasibadan hadallo isugu jira dardaaran iyo duco uga jeediyey Caaqilka cusub.

Suldaan Axmed Daahir oo ku dheeraaday dardaaranka iyo ducada Caaqilka cusub ayaa sheegay “Waxaanu aqbalnay, waanu u ducaynay, waanan caleemo-saarnay, waanan kula shaqayn doonaa, caaqil Dayib Mawliid”ayuu yidhi.

Gabagabadii waxa halkaa lagu caano-shubay Caaqil Dayib Mawliid Axmed, kaasoo caleemo-saarka kaddib halkaa ka jeediyey hadal isugu jira mahad-naq iyo dareen celin la xidhiidha tallooyinkii iyo dardaaranka loo jeediyey.

Caaqil Dayib ayaa sheegtay inuu xilka la saaray u gudan doono si xilkasnimo iyo daacadnimo ah, waxaanu ka dalbaday  Beesha uu ka soo jeedo iyo deegaamada kale ee Beesha inay ula shaqeeyaan si hufnaan leh.

Dhinaca kale, gabagabadii munaasibada waxa shahaado-sharafyo lagu guddoonsiiyey xubno isugu jira Madaxdhaqameedka, Cuqaasha iyo Guddida horumarinta ee Beeshaasi, kuwaasoo lagu maamusay howl-karnimadooda iyo kaalinta ay kaga jiraan horumarinta danta guud.