“Beesha caalamka waxaannu leenahay yaan layska indho tirin dulmiga socda ee ummadda reer Falastiin lagu hayo” – Md Cabdiraxmaan Saylici

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa mar kale cambaareysay xasuuqa ciidamada Yuhuuddu ku hayso shacabka reer Falastiin ee ku dhaqan Marinka Gaza ee dhulka Falastiin.

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, ahna ku-simaha Madaxweynaha Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo maanta khudbad ka jeediyey Masjid Jaamaca Hargeysa oo uu dadweynaha kala qayb-galay tukashada Salaadda Ciidal-Fidriga, ayaa si adag u cambaareyey gabbood-fallada Israel ka geysanayso Marinka Gaza, waxaanu uu beesha caalamka ugu baaqay in aan la iska indho-tirin xasuuqa lagu hayo shacabka aan dambiga gelin ee Falastiin.

saylici“Sida aynu la socono shacabka reer Falastiin oo dad muslimiin ah waxa ku socda xasuuq, waxaannu aad u canbaaraynaynaa falalka ay Yuhuuddu kula kacayso shacabka reer Falastiin ee maatida aan waxba galabsan ee lagu garaacayo diyaaradaha iyo dabbaabbadaha, waanuna ka soo horjeednaa, waxaanan leenahay ha laga daayo dadka maatida ah dilka foosha xun ee loo gaysanayo,” ayuu yidhi Md Saylici, isaga oo intaas raaciyey, “Beesha caalamka waxaannu leenahay yaan layska indho tirin dulmiga socda ee ummadda reer Falastiin lagu hayo,” ayuu yidhi Md. Saylici.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo todobaadkii hore ka hadlay xaaladda ka jirta magaalada Gaza ee dhulka Falastiin, ayaa cambaareeyey duqeynta ciidamada Israel ku hayso shacabka Falastiniyiinta ah isaga oo sheegay in ay walaalahooda la wadaagayaan xannuunka haysta, waxa kaliya ee ay u tari karaanna tahay inay uga duceeyaan oo Eebbe ka baryaan inuu ka dul-qaado cadowga gumaadka ku haya.

SOMALILANDPOST.NET