Beesha Caalamka oo ku hanjabtay Cawaaqib-Xumo Somaliland kaga iman karta Go’aankii Guurtida, soona dhaweysay Shirka Wada-tashi ee Xukuumaddu ku baaqday

Hargeysa (SLpost)- Daneeyayaasha Beesha Caalamka ee taageera nidaamka Doorashooyinka iyo barnaamijyada horumarinta Somaliland, ayaa walaac xooggan ka muujiyey go’aanka muddo-kordhinta ee Golaha Guurtidu u sameeyey Xukuumadda iyo Golaha wakiillada, kaas oo ay ku tilmaameen inuu dhaawac xooggan u geysan karo sumcadda Somaliland iyo qorsheyaasha wax-qabad ee beesha Caalamku sida gaarka ah ugu qorsheysay.

qwqWar-murtiyeed ka kooban saddex qodob oo maanta laga soo saaray Xafiiska dowladda Ingiriisku ku leedahay magaalada Hargeysa, ayaa lagu sheegay in go’aanka muddo-kordhintu Guurtidu uu halis ku yahay sii jiritaanka Xidhiidhka wada-shaqayneed ee u dhexeeya Somaliland iyo beesha Caalamka eek ala shaqaysa horumarinta dimuqraadiyadda, isla markaana ay beesha ka saarayso Qorshaha beesha Caalamku ugu talo-gashay barnaamijyada horumarineed iyo Qorshaha Gaarka ah ee mucaawimooyinka Somaliland (Somaliland Special Arrangement), waxaanay ku baaqeen in si deg-deg ah looga laabto go’aanka guurtida, dhinacyada ay khuseyso doorashooyinku ay ka wada-xaajoodaan isla markaana ay meel isla dhigaan xilliga ugu habboon ee lagu suurta-galin karo doorashooyin si deg-deg ah u qabsooma.

War-murtiyeedka ka soo baxay safaaradda Ingiriiska oo wakiil ah beesha Caalamka iyo Guddiga wakiilka ah Qaadhaan-bixiyeyaasha taageera doorashooyinka Somaliland, ayaa lagu taageeray isla markaan lagu dhiirri-geliyey baaq maanta ka soo baxay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo, kaas oo lagu sheegay in xukuumaddu soo dhawaynayso wada-xaajood ay xisbiyada mucaaradka ka yeeshaan muranka ka taagan muddo-kordhinta iyo xilliga loo muddeeyey doorashooyinka.

War-murtiyeedka ka soo baxay beesha Caalamka oo ka kooban saddex qodob, ayaa u qornaa sidan:-

  1. Beesha Caalamka waxay six un uga walaacsan tahay go’aanka Golaha Guurtida Somaliland muddo-kordhinta 21 bilood ah ugu sameeyeen Golaha Wakiillada iyo Madaxweynaha. Waxa si gaar ah wal-walka noogu dhaliyey in go’aankan xaasaasiga ah la gaadhay iyadoo aanu jirin wax ay ku heshiiyeen Xisbiyada Somaliland. Wada-xaajoodyada iyo Isu-tanaasulka, ayaa ahaa waxyaabaha suurta-galiyey nabadda iyo dimuqraadiyadda Somaliland magaca ku kasbatay. Aragtida Beesha Caalamka marka la eego, go’aanka Golaha Guurtidu waxa uu khatar iyo mugdi galinayaa sumcadda Dimuqraadiyadda Somaliland.
  2. Anaga oo tix-raacayna go’aanka kor ku xusan ee golaha Guurtidu gaadhay, maaha oo kaliya mid hoos u dhigayaya deggenaansaha iyo geeddi-socodka dimuqraadiyadda ka jirta Somaliland, balse waxa uu sidoo kale dhaawacayaa sawirka beesha Caalamku ka qabto Somaliland isla markaana waxa uu hoos-u-dhigayaa xidhiidhkayagii wada-shaqayneed ee noo dhexeeya. Sidaa awgeed, waxaanu ku baaqaynayaa wada-xaajood deg-deg ah oo laga yeesho muddeynta doorashada iyo muddo-kordhinta la sameeyey iyada oo loo marayo go’aanka uu maanta ku dhawaaqay madaxweyne ku-xigeenka Cabdiraxmaan Isaaciil Saylici, iyo go’aankii u hore ugu dhawaaqay madaxweyne Siilaanyo. Wada-xaajoodkan waa in dib loogu naaqishaa go’aankii Guurtida isla markaana uu keenaa heshiis lagaga gudbo dhibaatooyinka jira isla markaana lagu xaqiijiyo in doorashooyinka lagu qabto sida ugu dhakhsaha badan.

Haddii aanu nahay beesha Caalamka, diyaar baanu u nahay inaanu qayb ka ahaanno geeddi-socodkan (Wada-xaajood Doorashada).

  1. Wakiillo ka socday beesha caalamka ayaa soo booqan doona Hargeysa muddo hal todobaad ah si loo sii wado wada-xaajoodka arrintan muhiimka ah. Beesha Caalamku waxa immika ka fiirsanaysaa eedaha iyo cawaaqib-xumada ka dhalan karaysa go’aanka golaha Guurtida oo Khatar galinaya aasaaska Barnaamijka Gaarka ah ee beesha Caalamku ugu talo-gashay inay kula macaamisho Somaliland (Somaliland Special Arrangement). Sidaas oo ay tahay, waxaanu ku baaqaynaa in laga laabto isla markaana ay dib ugu eegaan dhammaan cidda ay khusayso arrintani si loo sameeyey dedaal kasta oo lagu ilaalin karo guulaha laga gaadhay nidaamka dimuqraadiyadda Somaliland, waxaananu ku baaqaynaa in xoriyaddooda loo soo celiyo dhammaan dadka loo xidh-xidhan arrimaha siyaasadeed.”

qwqMadaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici, ayaa shir-jaraa’id oo uu maanta ku qabtay madaxtooyada, waxa uu ku sheegay inay xukuumad ahaan xisbiyada mucaaradka ah La furi doonaan wadahadal ay kaga arrinsanayaan khilaafka siyaasiga ah ee bilowday. Saylici waxa uu sheegay in Bisha May 20, 2015 ay u cayimeen wada tashi ay la yeelan doonaan xisbiyadda mucaaradka, isla markaana ay iyagu gudahooda dhammeysanayaan wixii khilaaf ah ee jira.

HALKAN KALA DEG WARMURTIYEEDKA OO LUQADDA ENGLISH KU QORAN