Beesha Caalamka Oo Digniin U Dirtay Xildhibaannada Cusub Ee Baarlamaanka Somalia

(SL.Post) War ka soo baxay Beesha Caalamka ayaa si deg deg loogu baaqay Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo sidoo kale Xildhibaanada Aqalka Sare in ay si deg deg ay u dhisaan guddi wadajir ah oo ka shaqeyn doona doorashada Madaxweynaha Somaliya.

timthumb-12

Beesha Caalamka ayaa sidoo kale sheegtay in y u taallo Xildhibaanada cusub shaqo culus oo loo baahan yahay in ay u wajahaan si deg deg ah.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in doorashada Madaxweynaha Somaliya loo baahan yahay in ay ku dhacdo sida ugu dhaqsiyaha badan maadaama lagu guuleystay doorashada gudoonka Baarlamaanka Aqalka Sare.

Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub ayaa sidoo kale Xildhibaanada cusub ugu baaqay in ay ka fogaadaan in lacag ay ka qaataan musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimada Somaliya.

”Xidhibaanada cusub ee Baarlamaanka Somaliya waxaa laga doonaaya in ay doortaan hoggaan aysan sumcadooda ku xumeyn oo aysan ka qaadan kharashaad, waxaana Xildhibaanada ka codsanaynaa in ay doortaan hoggaan ay ku qanci karaan bulshada Somaliyed iyo sidoo kale Beesha Caalamka.” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Beesha Caalamka.

“Somaliya waxaa soo food saartay caqabado badan oo ay ka mid yihiin abaaraha, shaqo la’aan iyo amni-darro, baarlamaanka waxa ay fursad u leeyihiin inay doortaan hoggaan kaasi wax ka qaban kara baahida aasaasiga ah muwaadiniinta. ” ayuu yiri Michael Keating, Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.

Somalilandpost.net