Beesha Caalamka: Ma Jirto Muddo Kordhin

Beesha caalamka ayaa sheegtay inay ka fileyso hoggaamiyayaasha Soomaaliya inay si deg deg ah ugu soo gudbiyaan go’aan ku saabsan hab doorasho oo la isku raacsan yahay oo ay Soomaaliya qaadaneyso, islamarkaana dowladda aan waqtiga loo kordhin doonin.Bayaan laga daabacay website-ka xafiiska QM ee Soomaaliya UNSOM, ayaa lagu sheegay in kulan ay madaxweyne Xasan Sheekh, ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid iyo guddoomiye Jawaari shalay la yeesheen wakiilo ka socda QM, IGAD, Midwoga Yurub, Mareykanka, UK, Sweden iyo Italy ay hoosta kaga xariiqeen rajadooda ah in hogaamiyayaasha Soomaaliya ay maalmaha soo socda soo gudbiyaan hanaan doorahso oo la isku raacsan yahay.

Waxa ay sidoo kale sheegeen inay ka filayaan qorshe fulineed iyo qariidad siyaasadeed oo Soomaaliya loo dejiyo 2016 illaa 2020, taasi oo ah waxa ay hogaamiyayaasha Soomaalida isku raaceen intii uu socday kulankii madasha wadatashiga qaran ee 16-kii December ka dhacay Muqdisho.

Beesha caalamka waxa ay sheegtay inay soo dhoweeneyso wada-hadalladii Kismaayo iyo farqiga u dhaxeeya madaxda Soomaalida ee sii yaraanaya, marka ay timaado habka doorashada ee 2016.

“Waxa ay ahayd arrin wanaagsan in hogaamiyayaasha Soomaaliya ay dhowr maalmood ku bixiyeen ka hadalka habka ugu wanaagsan uguna habboon ee doorashada Soomaaliya ee sanadkan” ayaa lagu yiri qoraalka xafiiska QM ee Soomaaliya.

Beesha calamaka waxa ay sheegtay in inkasta oo ay ka niyad jabsan tahay inaan wax heshiis ah lagu gaarin Kismaayo, haddana ay soo dhoweeneyso in horumar laga sameeyey wada-hadallada.

Kulankii wakiilada caalamka ay la yeesheen hogaamiyayaasha dowladda federaalka Soomaaliya, waxa ay hoosta kaga xariiqeen inuusan jiri dooonin wax waqti ah oo loo kordhinayo hay’adaha dowladda ee iminka jira, sida golaha sharci dejinta iyo golaha fulinta.

Beesha caalamka, waxa ay ugu baaqday madaxda Soomaalida inay danta qaranka wax walba ka hormariyaan.

Beesha caalamka waxa ay sheegtay inay fileyso in madaxda Soomaaliya ay go’aan ka gaaraan nooca doorasho ee Soomaaliya ay qaadaneyso kahor kulanka golaha ammaanak QM ee dhacaya 28-ka January iyo kan Midowga Afrika ee Addis-Ababa oo maalmo kadib ku xiga.

 Xigasho VOA