Bashar al-Asad oo markii ugu horreysay Lagu Arkay Goob Fagaare ah muddo Lix todobaad ah

Dimishiq (SLpost)- Madaxweynaha Suuriya Bashaar Al Asad ayaa markii ugu horaysay lagu arkay isagoo meel fagaare ah kula tukanaya Salaaddii Ciidul Fidriga madax badan oo ka tirsan Xukuumadiisa tan iyo wixii ka danbeeyay markii Wasiirkiisii difaaca iyo Sadex Sarkaal oo ka tirsan Ciidamada amaanka lagu dilay qarax miidaamo ah.

Madaxweyne ku-xigeenkii dalkaas Farouk al-Sharaa oo ka soo jeeda Sunni-ga dalkaas, ayaan lagu dhinac arag Bashar al-Asad Masaajidkii uu ku tukanayey, kaas oo mucaaradku dhowaan sheegeen inuu ka goostay xukuumadda Assad, in kasta oo xukuumaddu markii dambe beenisay.

Hase yeeshee, waxaa maanta ka dhacday goobo ka mid ah caasimada dalkaasi ee Dimishiq dibad bax lagu diidan yahay xukuumada Bashaar al Asad,oo qabsoomay salaaddii subax kadib,inkastoo ciidamada qaranku ay kala eryeen dadkii dibad baxa samaynayay.

Dhinaca kale, Magaalooyiinka Xalab,Xama iyo Edlib ayaa waxaa ka socda dagaalo culus oo ay isaga hor imanayaan ciidamada qaranka ee dalkaasi iyo mucaaridka hubaysan,iyadoo Ciidamada Bashaar al Asad adeegsanayaan diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo madaafiicda ka dhacda Taangiyada,kuwaas oo la sheegayo inay bur bur xooggan u gaysteen Magaalooyinkaas.

Geesta kale, Ra’isal Wasaare ku xigeenka dalkaasi iyo wefti uu hogaaminayo ayaa ku sugan caasimada dalka Ruushka ee Mooskoo iyadoo la sheegayo inay Wadanka Ruushka ka codsadeen sidii uu uga caawin lahaa dhinaca dhaqaalaha iyo Dublamaasiyadda.

Wakhtigii ugu dambeeyey ee Assad lagu arko Fagaarayaasha Siyaasadda ayaa ahayd 4 June ee sannadkan wakhtigaas oo uu khudbad ka jeedinayey golaha Baarlamanka ee dalkaas Suuriya.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net