Basaska: Baarlamaanka Socda

Dood-wadaagga iyo nidaamka ku dhisan in qof kastaaba fikirkiisa si xor ah u cabiro ayaa caan ka dhex ah bulsho weynta reer Somaliland iyadoo goobaha la iskugu yimaado sida maqaaxiyaha, mafrashyada iyo suuqyada intaba laga doodo xaalada siyaasadeed, dhaqan-dhaqaale iyo bulsho ee dalku hadba la daris yahay.

Meelaha xiisaha leh ee ugu mudan, doodaha ugu mudakarsana ay ka dhacaan waxa ugu muhimsan basaska. Iyadoo sababta ay uga ka dhigtay in doodahoodu ka xamaasad iyo xiiseba badan yihiin kuwa ka dhaca goobaha aynu soo xusnay ay ugu muhimsan waa ta koowaade, waa meel cid gaar ah u xidhnayn ee loo siman yahay, matalan, mafrashyada waxa wada fadhiista in is sheeko taqaana, aragtidooda siyaasadeed laga yaabo inay midaysan tahay wadaaga, aqoon ahaan iyo mihnad ahaanba u siman, oo dooda ka socotaa wax cusub soo kordhinayn maadaama oo qof kastaba la sii garan karo halka iyo dhanka uu ka fakirayo. Haddaynu milicsano, xaga maqaaxiyaha inkastoo sheekadu tahay mid dad badan oo kala aragti duwan, kala da’ gadisan oo xagga aqoontana ku kala tagsani ay iskugu yimaadaan haddana waa mid aan bulshadu u dhammayn , tusaale ahaan haweenka ayaa ka maqan.

Laakiin, basasku waxay goobaha kale kaga dood mac yihiin waa meel ay iskugu yimaadaan dhadig iyo labood, culimo iyo caamo, aqoonyahan iyo qof aanay alifka iyo ba’du u kala soocnayn kana kala soo jeeda da’da iyo ayniyo mararka qaar aad u kala durugsan. Waa goob muddada kooban ee qof kastaaba ku jiro wax kaga korodhsan karo kuna biirin karo bulshada magaalada daafaheeda kala duwan dhan kastaba ka timid ee saaran—sax ha ahaato ama qalad; run ama beenba. Waa goob ay ku hirdamaan ra’yiyo aad u kala fog oo dadka saaran ee qaybaha kala duwan ee bulshada ah ka soo kala jeedaa ay u codeeyaan iyagoo u miisamaya si waaqiciya oo mararka qaar lagu tilmaami karaba inuu yahay basku baarlamaan socda.

Dadkeenu waa dad aan qalada aqoon marka la garab dhigo dadyawga kale. Tusaale ahaan, waa dhif iyo naadir in la arko dood balaadhan oo ka dhacaysa tareen ama bas gudahii marka la joogo dalalka Reer Galbeedka, balse dadkeenu dhaqan ahaan waa dad galaangal leh oo si fudud iskula jaanqaadi kara markay noqoto xaga dood-wadaaga iyo haasaawaha.

Marka albaabka la iskugu laabo baska ee la hubiyo 30 ama 25 qofba inay saaran yihiin ayaa markaba sheekadu isqoorsataa oo ka ugu horeeya iyo kan ugu danbeeyaa mid kastaaba isku dayaa inuu keeno dood iyo mooshin xiise leh oo lala wadaagi karo. Waxa koone ilaa koone la isweydaarsadaa dood lagu ladhay kaftan aan turxaan lahayn, taas oo mararka qaar cirka isku shareerto oo heer gacan ka hadal ah gaadha marka cayda-lafa-jabiska iyo ereyadda meel-qaban-waaga ah lagu kala ciil bixi waayo.

Waxa qof kastaaba u hanqal-taagaa inuu war iyo wacaal halkaa wixii la isku dhaafsanayo ka sii guntado oo haduu goob shaqo ku socdo iyo haduu xaafadiisa ku sii hoyanayo ama ka soo socdaba wax ka sii calfado sheekada.

Dooda marka laga tago, waa meel lagu kala warqaato sidaynu soo sheegnay oo warka aad halkaas ka maqasho laga yaabo in afarta jiho ee magaalada sida caws dab qabsaday mar kaliya u wada gaadho oo warar la badhxay iyo kuwo lis ah intaba waad ka heli kartaa. Maalin barqo ah ayaa bas waxaan ka soo raacay suuqa, goorahaas 50% dadka saarani waa haween ku sii jeeda guryahoodii oo suuqa ka soo adeeganayay. Markii waxooga la socday ee qof kastaaba dhagaha u taagayo goorta ay dooda ugu horraysa sida xabada dhuunta ka soo bixi doonto, ayaa waxa sida hanqadhka mar kaliya uga dhex onkoday cod u dheer oo kor u qaylinaya. Waa ninka xaga danbe fadhiya, markuu dareemay in dadkii dhagaha ku amaanaysteen oo dhankiisa soo wada jaleeceen ayuu yidhi: “Sawmaanaan hadda ka iman tii maxkamad ahayd oo islaan aanu isxigno labada dhagoodba mid inkaar qabtaa may goosan?!”

Kii ugu horeeyay ilaa kii ugu danbeeyay ayaa mar kaliya la soo wada booday “Goosatayaaaa?!” intaanu jawaabin ayaa islaan ag fadhiday ay ku tidhi:

 -“Oo hooyo maxaa u geeyay?”

-“Dee maanu garanayni imtaxaanuun…dee balaayo ayaa ku qaadatay maxaanu garan” ayuu ugu jawaabay.

Gabadh kale ayaa la soo booday “Oo intay mid la garaye tan labaad goosanaysay gabadhu maxay qabanaysay…may qaniintay ilkaha qadhabi ka gurtay?”

Isagoon ka jawaabin, lana sugin wuxuu odhan lahaaba ayaa qof kastaaba dhinaciisa jawaab duuduub ah soo laliyey si ugu qiilsamaynayo mixnaddan.

Ninkii odayga ahaaba sheekadi way dhaaftay, waa la isla wada oogsaday oo dirawalkii, kirishboygii qof kastaaba isagoo yaaban oo labada dhaban gacmaha ku haya dhinacna ka gurxamaya oo mashaqadan meesha ka soo ifbaxday la amakaagasan ayuu hadba su’aal heedadaw ah oo isagu inuu isweydiinayo inuu cid kale ku wado aan la kala garanyn ku soo dhex tuuraa. Waxa la soo gaadhay meeshii uu ku dagi lahaa ninkii baska dhagafaarka dhex dhigay. Maadaama oo aan fadhiyo kursiga ka danbeeya kan lagu magacaabo “Habar-ma-waaye” hadalka, gurxanka, codka aan la fahmayn ee fajacisadu keentay intaba waan la socdaa. Mar qosol ayaan isku xejinayaa; mar kale xiise dartii ayay dhagahu I fidayaan oo aan la tiigsanayaa af dhawr mitir ii jira si aan u masuuninyo uun waxa uu leeyahay, laakiin ninka mooshinka keenay aqooni iiguma laabna oo waan aqaanaa!

Markuu sii dagayay ayuu intuu dib u soo qooraansaday yidhi, “Meelahaa kaga sheekeeya gabadhba labada dhagoodba la goostay, naa waa been…hadduu qof waalani wax idiin sheegana maad rumaysanaysaan?” Ninkani waa nin buka oo xiska wax uga dhiman yihiin balse muuqaal ahaan iyo dood ahaanba haddaad milicsato qof fayaw judhaba loo qaadanayo. Mar kaliya ayaa wax qosol ku dhufta iyo wax hadalku yaab dartii ku gudhay loo qaybsamay, ka dib markii tiraba saddex qof marag iskugu raaceen inuu hebalkani kaan garanayo iyo sidaan u garanayey intaba yahay.

Ha ahaato dhaqanka, diinta, arrimaha bulshadda, siyaasadda, dhaqaalaha iyo guud ahaan qaybaha nolosha basku waa goob lagu faaqido ama mararka qaar afkaar aad la yaabayso qiimahooda ay ka soo baxaan. Waa kuwo dhex mara dad kala duwan oo qaybaha bulshada ee kala gadisan oo dhan ka kooban oo aan qofna lagu cabudhin fikirkiisa oo uu si xor ah u dhiibto. Waa meel xoriyatal-qawlku hadheeyay, rag iyo dumar, culimo iyo caamo, yar iyo weyn aan la isku qoonsan qofba aragtidii iyo soo jeedintiisa, xataa ka waalanna ku dhahoo.

Cabdillaahi Xasan Cabdillaahi “Baxraawi”