Bartii Yaqaan Bari Uma Korodho: Faa’idda Dekadda Berbera – W/Q: Khadar Awrliq‏

Dekadda magaaladda Berbera oo runtii ah dekadda ku taala deegaan istaraatij ah waxaa maalmahan ka taagnaa hadal ah qaabka uu noqon doono maamulkeedu, taas oo dad badani oo ka mida bulsho weynta reer Somaliland u qaateen inay tahay mid farta laga saaraayo umadda kale oo shisheeye.

Shacabka badankiisu wuxuu fahmay faa’iidada ay u leedahay dalka iyo dadkaba, waxaa jir tiro yar oo fara ku tiris ah oo runtii qalad fahantahay nidaamka loo maraayo heshiishka casriyeynta dekada magaalada Berbera, taas oo maanta reer Somaliland u baahan yihiiin dekadda afrika guud ahaanteed u noqota il dhaqaale oo horumar isku filan gaadhsiiya dalka.

mkjjAnigu shaqsiyan iyo dad kale oo ila aragtiyi waxaanu aamisanahay in maanta faa’ido aan caqliga lagu suurayn karini ay umada ugu jirto Dekadda magaalada Berbera hadii ay dhacdo, in kastoo aanay weli go’aan kama danbays ah laga qaadan.

Wadamada waaweyn ee maanta sheegta kuwa aduunyada ugu tunka weyn marka dib loo eego taariikhdooda dhanka horumarka dhaqaalaha waxay ka soo bilaabmeen ka faa’idaysiga dadkii ajaanibka ah ee ay gumaysan jireen, iyagoo ku tasarufay wixii ay xoog iyo aqoon lahaayeen, taasina waa mida keentay inay horumar ka sameeyaan dhanka dhaqaalaha, waxaana sabab u ahaa yaranta dakhliga oo looga faa’iday shaqaale lagu shaqaysto.

Maanta hadii dekadda berbera ay dawlado shisheeyey inoo maalgeliyaan waa mid wax weyn ka tari doonta kobaca dhaqaale ee dalka, waxaa badan doonaa wax soosaarka dhanka Dekada oo inta maanta soo gaasha toban laabkeeda ayaa ka soo bixi doonta.

Dhulku waa Somaliland dadkuna waa reer Somaliland, miyey kula tahay in dawladda kale la timaado afkaar odhanaysa dekada anaga ayaa leh oo Somaliland ayaa nagu wareejisay, dadka sidaas u fikiraaya waxaan ku odhan lahaa “Cilmiga Halaguu Dhigee, Caqliga Kaashabaa La Yidhi”

Qolyahan iska hadla ee rikoodhka iyo cajiladaha falaagay maqaaxiyaha la fadhiya waxaan odhan lahaa umadda dhagaha ha tirine ee lexo jeclo yeesha oo dalka horumar u ogolaada.

Wa-bilaahi tawfiiq

W/Q: Khadar Awrliq

awrliq@gmail.com