Taxanaha Qormooyin soo bandhigaya Hees- dhaqameedka Soomaalida: Hordhac

Akhristayaasha sharafta badanaw, waxa uu Somalilandpost idiin bilaabayaa barnaamij aad u xiiso badan oo si qoto dheer uga waramaya Hees-dhaqameedda Soomaalida, jaadadkeeda, ujeedooyinkeeda, hababka loo adeegsado iyo guud ahaanba hawlaha iyo ciyaaraha ay ka soo farcameen. Barnaamijkani waa todobaadle aad isniin walba kala socon doontaan Somalilandpost.net.

Waxa diyaariyey Khadar Xuseen Daahir(Hayl).

 

Hordhac

Inta aynaan u gondadegin ubucda ama adhaxda qoraalkeenna, bal aynu wax yar ku hakanno qeexitaanka ama micnaha lagu sheegi karo ereyga hees. Iyada oo laga yaabo in lagu kala aragti duwanaado ama siyaabo kala tagganba loo macneeyo, haddana aynu ku sheegno in ay tahay “ereyo yaryar oo sida maansada hab dhismeed leh oo jaadad badan ka kooban” eeg bogga 13aad ee buugga Hilimada Maansada ee uu qoray Aw-Jaamac Cumar Ciise.

 

Marka la abla-ablaynayo ama la kala dhanbalayo, waxa heesaha loo kala qaybiyaa laba dhudood oo waaweyn, kuwaas oo kala ah hees-hawleed iyo hees-ciyaareed. Marmarka qaar waxa dhacda in loo kala saaro saddex qaybood oo labadaas hore lagu daro hees-faneed oo ah heesaha la soo if-baxay fanka Soomaalida, waxa se hubaal ah in hees-faneeddu ay ka soo farcantay ama ay ka timid labada dhudood ee hore, waa hees-hawleed iyo hees-ciyaareedda eh. Haa iyaga ayaa ay ka soo farcantay oo ay ka soo jeeddaa; waa suuragal in dad badani ay ka biyadiidaan marka ay arkaan odhaahda sidan odhanaysa ama ka badheedhaysa, bal aan kaa daadajiyo eh u fiirso tusaalayaashan hoos ku xusan:

 

Aynu soo qaadanno beydad ka mid ah heesta Suleekha ee uu midheeyey abwaan Maxamed Ibraahin Warsame, kuna luuqeeyo AHN fannaankii Maxamed Nuur Giriig; Beydadkaasi waxa ay odhanayaan:

Idaa subag laga lulaa

Lo’ baa saan laga baxshaa

Geel baa sidig loo ogaa

Sengaan orod lala ekayn

Sareedo Ilaahaybaa leh

Hablaa Soomaaliyeedna

Hadaan quruxdooda saanyo

Haddaan miisaanka saaro

Sagaal tobankii adaa leh

 

Bal beydadkaas sare aynu barbardhigno kuwa heesta baarcaddaha ee odhanaya:

Hiyeeleeyeey hiyee

Habluhu gaaggaabanaa

Ma galabbay wada dhasheen

Ma gudin baa lagu sarjaray

 

Qoodhaa iyo xeradaa, miyaanay beydadkaas aynu tilmaannay ee ka mid ah heesta Suleekhi ku qotomin heesta baar-caddaha, bal adba!

 

Haddana aynu soo qaadanno, heesta bi’iwaa warlaay ee uu curiyey AHN abwaan Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye” ee odhanaysa:

Weylyahay baxsane

Bixisadu waddaa

Bi’iwaa warlaay

Adoon laacdan baran

Oon weli bislaan

Ha baraarshishiyin

 

Miyaanay tanna ku fadhiyin heesta maqasha lagu geeddigaliyo ee odhanaysa:

Maqaleey warlaay

Ma laguu warramay

Ina cali la dilay

Oo cumar la dilay

Oo dhiig qulqulay

 

 

Markanna aynu soo garoocanno heesta Durbaan ee uu hal-abuuray AHN abwaan Yuusuf Aadan Xuseen “Allaale” kuna luuqayso fannaanadda Qadiija-qalanjo, taasi oo odhanaysa:

Diriyan oohoow diriyan

Diriyan dooxada ka yeedh

Diriyan oo diririglee

Diriyan duul maqan u yeedh

Bal tanna ku dhereri heesta lagu qaado ciyaar-dhaqameedka haanta oo tidhaa:

Haanyahay dayaan

Dayaan oo diririglee

Dayaan dooxada ka yeedh

Dayaan duul maqan u yeedh

 

Af aan garaabin gaal baa lagu ogaaye, miyaanay taninna si dhab ah uga iman heestaas ciyaar-dhaqameedka haanta? Waan rajaynayaa in ay kuu dhacday.

 

Haddii aynu intaas yar ee dul-ka-xaadiska ah kaga nimaadno xidhiidhka ka dhexeeya hees-faneedda casriga ah iyo hees-dhaqameedka, aynu ku noqonno oo dib u milicsanno halkii uu hayaanku ku aaddanaa iyo abbaartii qoraalkeenna; innaga oo cuskanayna tusaalayaashaas sarena aynu mar labaad carrabka ku adkayno oo heesta u kala dhanballo hees-ciyaareed iyo hees-hawleed.

 

 

Hees-ciyaareed

 

Waa hees sacab iyo jaan loo tumo ama durbaan loo garaaco leh oo looga jeedo farax, rayn-rayn, maaweelo iyo madadaalo iwm, eeg bogga 13aad ee buugga Hilimada Maansada ee uu qoray Aw-Jaamac Cumar Ciise.

 

Hees-ciyaareedda waxa lagu midheeyaa ama ay ka curataa gole-ciyaareed lagu aloosayo ciyaar-dhaqameed Soomaaliyeed, waxaana ay ku tiirsantahay oo magaca ka qaadataa hadba ciyaartii ay ka curato; tusaale ahaan haddii ay heestu ka curato ciyaar dhaanto ah, waxa iyadana loogu yeedhaa “hees dhaanto ah ama midho dhaanto ah”.  Taas aawadeed, mar kasta oo hees-ciyaareed laga hadlayo waxa lagamamaarmaan ah in laga sheekeeyo ciyaar-dhaqameedka ay ku ladhantahay ama ku abtirsato.

 

Haddaba, ciyaar-dhaqameedka Soomaalida oo aad u badan, islamarkaana aan lahayn tiro go’an oo la isla yaqaanno ayaa waxa ay ku kala teedsanyihiin oo laga ciyaaraa guud ahaanba dhulalka ay Soomaalidu degto. Inkasta oo deegaannadu ay ku kala duwanyihiin ciyaaraha, haddana waxa jira ciyaaro badan oo ku faafay deegaanno kale oo aan asal ahaantoodii laga ciyaari jirin; ciyaarta Saylicida oo beryihii hore laga ciyaari jirey deegaannada gobolka Awdal ayaa waayadan danbe u gudubtay deegaanno badan oo kale, sidoo kale ciyaarta dhaantada oo asal ahaan laga aloosi jirey deegaannada Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa waxa ay haatan ku fidday inta badan ee deegaannada ay Soomaalidu degto, hadday tahay Soomaalilaan, Soomaaliya, Jabuuti iyo Kiiniyaba.

 

 

Badanaa, waxa ciyaaraha la qabtaa habeenkii, waana ta keentay ama ay ka dhalatay murtida Soomaaliyeed ee odhanaysa “aniga heello dareen baa iga galaye, maxaa habeenkii loo tumaa ama sacabka haddaan xeeli ku jirin, maxaa habeenkii loo tumaa”. Iyada oo ay sidaas ahayd ayaa haddana waxa beryahan dambe soo gadaalbaxay in ciyaaraha la alooso xilliyada munaasibadaha, sida xafladaha caleemo-saarka ama soodhawaynta madaxda.

 

 

Marka uu roobku da’o ee dhulka ay barwaaqadu isqabato, isla markaana ay duunyadu dhasho ee dadku dhaan iyo geeddiba ka negaadaan, ayaa ay dhallinyaradu isgurataa oo golayaasha ciyaaraha ku kulmaan, si ay ugu caweeyaan, laba kasta oo sheekawadaag ahna ay ugu noqoto fursad ay muraadkooda ku qummistaan, waa halkii lagaga heesay:

Allahayow kufriyi maynoo

Kibir uga dhawaan maynee

Sacabka uun baa kalkii galay

Ciyaaraha waa la isku ammaanaa oo hal-abuurka midhaha curinaya waxa u bannaan in uu ku ammaano naftiisa, qof uu jecelyahay iyo qabiilkooda hadba kii uu doono, taas waxa inoo muujinayo beydadkan hoos ku xusan oo ka curtay ciyaar batar ah, kuwaas oo odhanaya:

Saddexbaa ku qaayibay

Qoladiinna oo goba

Qalabkay ku saareen

Iyo quruxdaada oo ladan

 

 

Mar kale ciyaaraha waa la isku jirrabaa oo halxidhaalayaal ay hal-abuurradu isugu awoodsheeganayaan ayaa oodda la iskaga qaadaa oo la isku badhaxtiraa, tanna waxa aynu ka dheehan karnaa beydadkan hirwada ah ee leh:

Wiilka

Waxaan tiro toban ka gaadheyney

Tagaynin taraynin taa garo eey

Haddaad garanweydo gaardiga eey

Miyaad garan gogol si loo dhiga eey

Gabadha

Waar waxaan tiro toban ka gaadheyney

Wiilow waa toddobada ayaamoodey

Ma tarmaan tegina maayaaney

 

Ciyaaraha qaarkood waxa loo qabtaa dawo ahaan oo waxa la rumaysnaa in aloosiddeedu ay firdaamo u noqonayso qofka xanuunsanaya oo wixii hayey uu kaga soo dagayey, taasi oo aynu ka daalacan karno ereyada odhanaya:

Saarkii duleedoow soo dagee

Waa dabbaaldagaagee soo dagee

Dahab iyo xariir buu doonayaa

Aqal wada dalooluu diidayaa

Meel an lagu dakayn buu diidayaa

Saaroow awoowe soo dageey

Aan kula socdaalee soo dageey

 

Iyada oo ay badanyihiin ujeeddooyinka ciyaaraha loo qabtaa, haddana bal aynu kaga kaaftoonno intaas aynu kor ku soo tilmaannay, oo aynu ciyaaraha mid mid u gallo, si aynu uga boganno ciyaar kasta iyo heesaheeda.

La soco qaybta xigta Iyo Isniinta todobaadka dambe .

 

 

FG: Qormadani waxa ay ka mid tahay Buug dhawaan soo bixi doona oo ka hadlaya Hees-dhaqameedka Soomaalida.