Barlamaanka Ingiriiska oo lagaga dooday Saamaynta ka dhalatay Booqashadii Madaxweyne Muuse Biixi ku tagay Dalka Guinea & tallaabadii Somalia kaga fal-celisay

London (SLpost)- Baarlamaanka Dalka Boqortooyada Ingiriiska, ayaa Isniintii todobaadkan lagu soo qaaday saamaynta ka dhalatay Booqashadii madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ku tagay dalka Guinea, taas oo sababtay in dowladda Somalia si ba’an uga cadhooto, isla markaana xidhiidhka xidhiidhka dibloomasiyadeed u jarto dalka Jamhuuriyadda Guinea oo si heer caaalami ah u qaabilay Madaxweynaha Qaranka.

 

Dawlada boqortooyadda Ingiriiska waxa ay shaaca ka qaaday in khilaafka u dhexeeya Soomaaliya iyo dalka Guinea aanu wax saamayn ah ku yeelan doonin Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Fadhi Baarlamaanka Ingiriisku yeeshay Isniintii dorraad, ayaa xildhibaan Liz Mclnness oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ee Labour-ka si dhawna u taageerta Qadiyadda madaxbanaanida Jamhuuriyada Somaliland su’aal ku weydiisay xukuumadda Raysalwasaare Thresa May qiimaynta ay ku sameeyeen khilaafka dublamaasiyadeed ee dawladaha Soomaliya iyo Guinea.

 

 

Dowladda Ingiriisku waxa ay sheegtay inay xog ogaal u tahay arrintaas iyo jiritaanka saamayn khilaafkaasi ku yeelan karo Jamhuuriyadda Somaliland iyo cilaaqaadka siyaasadeed ee ay la leedahay Beesha Caalamka.

 

Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibeda iyo Iskaashiga Caalamiga Harriet Baldwin oo ka jawaabaysay su’aashaasi, ayaa tidhi, “Ingiriisku xog ogaal ayuu u yahay khilaafka u dhexeeya Soomaaliya iyo Guinea. Labada wadan, iyagaa masuul ka ah xidhiidhkooda iskaashi”.

 

Mrs. Baldwin,  waxa kale ay xustay in aanu jirin wax saamayn ah oo khilaafka Soomaaliya iyo Guinea ku yeelanayo Somaliland.

 

“Ma garanayno khilaafka Soomaaliya iyo Guinea saamayn uu ku yeelanayo Somaliland. Siyaasada Ingiriisku weli waxay tahay in Jamhuuriyadda Somaliland iyo federaalka Soomaaliya xal waara ka gaadhaan xidhiidhkooda mustaqbalka,” sidaas ayey tidhi Mrs Baldwin, iyadoo intaas raacisay, “Waxaannu sii wadi doonaa taageerada iyo dhiirigelinta qorsheyaasha wada-hadal nabdoon oo labada dhinac ay yeeshaan,” sidaas ayay tidhi Mrs. Harriet Baldwin, wasiiru-dawlaha Arrimaha dibeda iyo Iskaashiga Caalamiga  ee Britain.

 

Dhinaca kale, sida laga war qabo waxa xidhiidhka dawladaha Guinea iyo Soomaaliya sii xumaaday markii uu madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi booqasho ku tagay isla markaana si heer caalami ah loogu soo dhaweeyey dalka Guinea, taas oo sababtay in dawladda Soomaaliya ku dhawaaqdo in ay xidhiidhkii diblomaasiyadeed u jartay wadankaasi.

 

contact@somalilandpost.net