Bareyaasha Somaliland oo loo hirgeliyey Xarun Casri ah oo lagu tabobare iyo Madaxweyne Biixi oo Xadhigga ka jaray 

Hargeysa (SLpost)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si rasmi ah xadhiga uga jaray kulliyadda tabobarka macallimiinta oo laga hirgeliyey duleedka caasimadda Hargeysa.

 

 Munaasibad ballaadhan oo uu madaxweynuhu xadhigga kaga jaray kulliyadda cusub ee tabobarka macallimiinta, ayaa waxa ka qaybgalay masuuliyiinta wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska, saraakiil ka socda midowga Yurub, ku dhawaad Afar boqol oo macallin oo kulliyada wax ka baran doona iyo marti-sharaf kale oo tiro badan, waxana halkaas laga jeediyey hadallo salka ku haya qiimaha ay leedahay in lagu tabco barayaal tabobar sare qaba oo soo saari kara da’yar cilmi  ku hubaysan.

 IMG_4703

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska, Mudane Cismaan Jaamac Aadan oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in qaranku u baahan yahay inuu yeesho kulliyad lagu tabobaro barayaasha da’yarta soo socota, wax barta, taasina ay kor u qaadayso tayada waxbarashada dalka.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna ku dheeraaday qiimaha ay waxbarashadu leedahay iyo sida ay xukuumadda uu hoggaamiyo uga go’an tahay in kor loo qaado xirfadda iyo heerka waxbarasho ee barayaasha gacanta ku haya  da’yarta dalka.

 

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu  sheegay inaan marnaba lagu horumari Karin ku tiirsanaanta caawinta shisheeyaha, tayada tacliintuna ay ku hagaagi karta isku-duubnida iyo wada-jirka bulshada, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waxan qabaa waxbarashadu kuma timaaddo dawaro iyo inay cidi iskuulladaada kuu dhisto iyo inay cidi kaa taageerto ardaydaada wax bariddeeda, qaran walibana wuu karaa inuu dadkiisa wax baro oo uu tacliintiisa hagaajiyo marka uu u midoobo horumarkiisa oo uu hantidiisa u huro.

8B7A8788 8B7A8790 8B7A8801 8B7A8802 8B7A8808 8B7A8815 8B7A8818 8B7A8832 8B7A8834 8B7A8851 8B7A8858 8B7A8860 8B7A8873

default
default

IMG_1108 IMG_1109 IMG_1110 IMG_1115 IMG_1118 IMG_1120 IMG_1123 IMG_1128 IMG_1133 IMG_1140 IMG_1150 IMG_1170 IMG_1173 IMG_1176 IMG_1178 IMG_1180 IMG_1183 IMG_1186 IMG_1191 IMG_1193 IMG_1196 IMG_1201 IMG_1208 IMG_1212 IMG_1218 IMG_1221 IMG_1224 IMG_1226 IMG_1232 IMG_1236 IMG_1238 IMG_1241 IMG_1246 IMG_1250 IMG_1258 IMG_1264 IMG_1269 IMG_1271 IMG_1278 IMG_1279 IMG_1293 IMG_1294 IMG_1295 IMG_1306 IMG_1321 IMG_1332 IMG_1340 IMG_1350 IMG_1352 IMG_4703 IMG_4715 IMG_4717 IMG_4720 IMG_4728 IMG_4755 IMG_4763