Barcelona Oo Ku Guulaystay Koobka Champions, Ka Dib Markii Ay Juventus Ka Badisay

Kooxda Barcelona ayaa si awood leh ugu guuleystay koobta tartamada Yurub ee champions league ka dib markii 3-1 ay kaga adkaadeen Juventus.Barcelona

Ciyaarta oo ka dhacday garoonka kubadda cagta ee Olympic Stadium, ee magaalada Berlin ayaa aad u kululayd waxayna lahayd xiiso.

Barcelona ayaa hogaanka ciyaarta qabatay ka dib afar daqiiqo markii ay billaabantay, waxaana dhaliyay goolkii ugu horeeyay Ivan Rakitic.

Meel sideed mitir u jirta shabaqa ayuu ka dhaliyay goolkaas oo mar qudha garoonka ruxay, laakiin waxay bar-bardhac noqotay markii gool uu dhaliyay ciyaaryahan Alvaro Morata.

Hase ahaatee Luis Suarez ayaa soo celiyay hogaanka Barcelona, ka dib markii gool uu dhaliyay isagoo laad qurux badan ka helay Lionel Messi, ka hor intii aanu goolka saddexaad dhalinin Neymar, daqiiqaddii ugu dambaysay ee waqtiga dheeraadka ah ee ciyaarta lagu daray.