BARASHADDII KHASAARTAY QEYBTII 4-AAD W/Q: MOHAMED HASSAN DAACAD

Ayaanle,waa uu sii hadlay,waxaana uu xasuustay dhacdo kale oo iyana xanuun-badnayd,taas oo uu kasoo martay Jacaylka Inantaas,waxaana sabab u ahaa Hablo ay Inanta saaxiibbo yihiin,taas oo keentay in Ayaanle xabsigga loo taxaabbo,habeenno iyo maalmo qalafsanaana uu halkaas kusoo qaato,waxaana uu yidhi “  Waxay ahayd maalin maalmaha ka mid ah,waxaanan ku socday Suuqa hoose ee Magaaladda,halkaas oo aan doonayay in aan hawlo ii gaar ahaa kasoo qabsaddo iyo in aan kula kulmo qaar ka tirsan asxaabta oo aannu halkaas ku ballan-sanayn.Sidii inta badan ii caadada ahayd waxaan soo maray Jid aan inta badan is-ticmaallo,kaas oo loo maro Suuqa,waxaanan xidhnaa Dhar muuqaal ahaan wanaagsan oo muujinaya in aan ugu yarraan xaragoonayo,waana astaan inta badan ii gaar ah in aan isku dayo in aan maryo muuq-wacan xidho,Ilayn waxaan ahay Nin suuqa baadhanayee (Guur-doon ah). Hadda ma xaqiijin karo in Hablaha halkaas laygu sii diyaariyay oo laga war-helay dhaq-dhaqaaqayga iyo inkale.Balse waxaan ogahay in sida ay wax-u-dheceen u muuqatay mid lagu tallo-galay oo xataa aannay is-qabanayn oo middiba ta kale ay ku raacaysay kolba taalabadda ay qaaddo sax-ahaan iyo khalad-ahaanba.

Waxaan marayaa jidkii caadigga ahaa ee aan suuqa inta badan u mari jiray,jawi-ahaana waxaan dareemayaa farxad iyo fantasiyo wacan,waayo waxa aan rabaa inaan suuqa ka doonto dan aan in badan ku riyoonayay in aan maruun helo iyo in aan la-kulmo saaxiibo aannu aad iskugu dheer-nahay oo ay qaarkood wakhtiyo hore iskugu kaayo danbaysay oo aanan in muddo ah is-muuq-arag. Jidku waxa uu ku teedsan yahay Guryo badan oo inta badan waxa looggu tallo-galay in Lugta uun lagu maro oo ma-isticmaalaan noocyadda gaadiidka,marka laga reebo kuwa ay dadkan xaafadda daganni leeyihiin oo inta badan Guryaha hor-yaalla.

Sida caadigga ah,qofku marka uu kalligii socodo naftiisa ayuu la shawraa,waxaana uu dhex-dabaasha mawjaddo iyo Hirar aduunyo,kuwaas oo ka talaabiya xataa goobta uu wakhtigaas ku sugan yahay.Annigga oo iska socda,naftana la hadlaya,kana fikiraya waayaha nolosha iyo duruufaha igu xeerran,ayaan markaliya waxaan ka war-helay biyo dushayda ku dhacay,igana yimid mid ka mid ah Guryaha aan hor-marayo! Mar kaliya aan naxay,waanan is-taaggay,waxaanan ka arkay in Biyaha ay soo saydhay Inan (Gabadh) al-baabka guriga aan agmarayo taaggan,isla markaan sidaas u arkayba,waxaan ku idhi: “ Walaalo waa side”?

Inantii ayaa si dagaal ku jiro iigu jawaabtay “ Waar mooyaane soco haddii ay kuu dantahay”.!

Dan maxaya? Miyaanad arkayn sidaad  noo qoysay ee aad Biyaha nooggu shubtay? Miyaad waalan tahay maenad caadi ahayn? Ayaan anigga oo xanaaqsan ugu hal-celiyay!

Haba odhan la-haydee,intaasiba markii ay af-kayga kasoo baxday waxaan ka war-helay raxan hablo ah oo Cay,Shiid iyo weerarba igu haya,in aan wax-iska-celiyo ayaan ku tashaday,waxaana inkaas ka diba xigtay….

Lasoco….

W/Q: Mohamed Hassan Daacad

Daacad@gmail.com