Baraha Bulshada, Dhib Iyo Dheef!

 

Waxaa aan si dhow ula socdaa farsamooyinka casriga ah ee caalamka ilaa 1998 kii oo aan waxbarashadayda u bedelay dhinaca farasamada gacanta gaar ahaan electronic Engineering ka,taas oo aan ka soo guuray political science ka oo ahaa takhasuuskii heerka kowaad ee jamacada(BA degree). Waxaa aan uga sii gudbay bal in aan wax ka ogaado ama ka barto cilmi nafsiga(psychology),oo khabiiro badan oo jamicadaha caalamka wax ka dhiga aan nasiib u yeeshay in aan ka qaybgalo casharo ay bixinayeen iyo tababaro  kale oo ku saabsan cilmi nafsiga oo ay soo qaban qaabiyeen ururo,Mudo sanad ah baan dad xanuunada maskaxda u jiran aan la shaqeenayey,Waxaa aan kale oo iyada mudo sanad ku dhawaad ah dhinaca ICT ka caawinayey arday ,duruufo caafimaad oo kala duwani soo wajaheen ,Arimahan oo dhami waxay iga caawiyeen in aan waayo aragnimo balaadhan ka helo isbedeladaasi kala duwan,ee aqooneed waliba waxaa aan tabaro tacliimeed ku qaatay cilmiga saxaafada,iyo wax qorista.

Waxaa aan arartaa hore ee aan kaga hadlay qaybo ka mida noloshayda wax ka mida uga dan lee yahay uun in aan bal si uun idinla wadaago waayo aragnimo iyo xaqiiqooyinka ku duugaan Baraha Bulshada(Social media).Imika ka hadlimaayo farsamo ahaan balse waxaa aan ka hadlayaa sida loo adeegsado bulsho ahaan.

Waa maxay Baraha Bulshadu?

Waxaa odhan karnaa baraha bulshadu waa gole balaadhan oo si joogto ah loogu kulmo.Ereyga guud ahaan waxaa uu laga soo tixraacaa Internet salka ku hayaa qalabyo ogolaanaya shakhsi shakhsi iyo bulshooyin wada jira xidhiidhiya,si ay u wadaagaan warar,fikrado,fariimo shaqsiyadeed,muqaalo iyo arimo kale,dhacdooyinka qaarkood waxay kuwada shaqeeyaansi wada jira isticmaalayasha kale wakhti gudihii si run ah.Waxaa kale oo baraha bulshada sidoo kale la odhan karaa in ay yihiin sida”Web 2.0”ama “social networking” sida aan ka soo xigtay qoraal uu lee yahay Author: C. Lee Ventola.

Baraha bulshada (social media sites) goobahoodu  waxay bixiyaan adeegyo kala duwan oo loogu tala galey adeega isticmaalayaal kala duwan waxaa ku jiri kara  blogs,social networking, Video- and –photo- sharing sites,wikis,ama a myriad ee ay lee yihiin kuwo kale oo warbahineed ama baraha bulshada kuwaasi oo loo qabeyey kooxkox ujeedoyin,adeegyada ay qabtaan sida:

Baraha bulshada (Facebook, Google Plus, Twitter).

La soco qaybta 2aad……………..

Mahadsanidin Dhamaantiin

M J Farah

Ind.Political science analyst and writer