Barack Obama oo Shacabka Maraykanka ugu baaqay inay Dhagaha ka furaystaan Hadallada Naxliga ah ee Madaxdooda

Washington (SLpost)- Madaxweynihii hore ee Maraykanka Barack Obama, ayaa shacabka dalkaas ugu baaqay inay iska diidaan oo dhagaha ka furaystaan hadallada dhiirrigelinaya nacaybka iyo midab-takoorka ee ka soo yeedha hoggaamiyeyaashooda.

 

Mr Obama cid gaar ah kuma soo qaadan hadalkiisa, laakiin hadalkiisan naadirka ah ayaa ka soo yeedhay kaddib markii madaxweyne Donald Trump dhalleecayn kala kulmay hadalladiisa ku wejahan Ajaanib-nacaybka oo qalalaase hor leh ka abuuray dalkaas.

 

 

Balse Madaxweyne Trump ayaa isagu Hadal uu Isniintii shalay jeediyey waxa uu ku cambaareeyey cunsuriyadda iyo in Dadka Cad-cadi ka sarreeyaan dadka kale, waxaanu hadalkiisan jeediyey kaddib markii 31 qof ku dhinteen weerarro toogasho ah oo ka dhacay gobollada Texas iyo Ohio.

 

Madaxweynihii hore ee Maraykanka, Obama, ayaa muddadii uu xilka hayay isku dayay inuu xakameeyey Hubka gacanta ugu jira shacabka balse kuma guulaysan arrintaas, waxaanu sannadkii 2015-tii sheegay in fashilka ku yimi samaynta shuruucda xakamaynta Hubka uu ahaa jaah-wareerkii ugu weynaa ee soo-wejahayn madaxtinimadiisa.

 

In kasta oo Mr Obama uu ka gaabsaday inuu ka dareen-celiyo Weedhaha xaasaasiga ah ee Mr Trump saxaafadda kaga hadlay arrimaha dadka soo-galootiga ah, haddana war-murtiyeed uu Isniinta soo saaray waxa uu ku sheegay inaanay shacbiga Maraykanku cod dheer ku diidaan luqadaha aan haboonayn ee ka soo baxa hoggaamiyeyaasha dalkaas, kuwaas oo uu sheegay inay abuurayaan cabsi iyo nacayb, isla markaana dhiirrigelinayaan cunsuriyadda iyo kala faquuqa shacabka.­­

 

“Luqad kasta oo kala qaybinaysa aragtida guud ee shacabka Maraykanku maaha mid la qaadan karo, meelna kagama jiraan siyaasaddeena iyo nolosheenna, waa arrin ka soo horjeedda rejada iyo doonista shacabka Maraykanka,” Sidaas ayuu yidhi Mr Obama.

 

Hadallada nacaybka abuuray  ee Mr Trump, ayaa bilaabmay kaddib markii Afar haween ah oo ka tirsan Congress-ka Maraykanka uu u soo jeediyey inay dib ugu noqdaan dalalkii ay ka yimaaddeen kana caawiyaan qalalaasaha iyo dhibaatooyinka haysta, balse Madaxweynaha Maraykanku waxa uu beeniyey in weedhihiisaasi ahaayeen qaar ku salaysan isir-nacayb.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net