BARAARUJIN KU SOCOTA UMMADAHA SOMALILAND (DANI WAA SEETO) – W/Q : Maxamed Cali Muuse

Ninkii karanayaa garanaye, Somaliya waxa la isku odhan jiray Waqooyi iyo Konfor. Waqooyi waxa Ingiriisigu xuriyadoo siiyey 1960, bishii lixaad, ( june 26 ), lix iyo labaatankeedii.  Waxa Waqooyi khasaare u horseeday dad magac iyo darajo raadsanaayey oo Waqooyi afduubay.

Wixii Waqooyi ka qabsaday isku darkii Waqooyi iyo Konfor waa lawada ogyahay oo taariikhdaa dhigtay. Waxa Waqooyi ka khasaaray sodon sano iyo in ka badan. Sida dadka badidiisu qabaan Waqooyi waxa loo tiriyaa inta ka dambaysay 1991kii. Mudadan dambe, in kasta oo Somaliland la aqoonsan, haddana heerka ay ka gaadhay dimocraadiya, nabadda, dismaha, horowmarka dhaqaalha, kama gaadhin 1960 ilaa 1991.

Waxa la wada ogyahay in dowladihii hore, tii digtaytar Siyaad, iyo kuwi ka horeeyeyba ayna irbad dun u gelin Somaliland.  Waxa la ogyahay in Waqooyi laga xaalufiyay dhaqaale, waxgarad, iyo baayacmushtarba.  Waxay taariikhu qoreysaa in masxmaalkii Waqooyi loo wada badalay Konfor oo lagu soo badalay dadka tuug ah oo ma xishoodayaal ah. Baacmushtarkii Waqooyi waa kuwii u risiq doontay Konfor ee markii danbana iyaga oo dharkii ay xidhnaayeen lagala hadhay so hoyday.

Runtu dadka ma disho eh way ka nixisaa. Waqooyi oo intiisa badan dabayluhu ka foodhayaan oo dad iyo duunyaba ku sii daba yartay, ayaa ilaahay u bixiyey naftood horayaal. Waxa hubaal ah in naftood hurayaashaasi ayna ku talo jiriin in ay dad an dambi ka gelin laayaan ee ay doonayeen in ay Waqooyi ka horeeyaan mustacmarkii ugu madoobaa ee Waqooyi soo mara. Way jirtay in ay dad badan gardaro ku laayeen, way jirtaa in unna xugunka maantu dheelitirnayn, hase yeeshe wuxuu caqli wanaagsani tilmaamaya in ay gooni istaagu khair u leeyahay Somaliland, loona baahan yahay in wixii qaldan dhaqso loo saxo.  Dadka inta taariikhda akrisata iyo intii soo gaadhay mustacmarkii ingiriisiga waxay ka markhaati furayaan in horowmarka, dimoqraadiyada, iyo nabada maanta Somaliland haysto aynaan horey u arag. Iyada oo aynaan macaawino macna leh iyo aqoonsi ka helin aduun wayenaha, ayaa dhinacwalba horowmar laga gaadhey.

Somaliland maanta uma baahna in haba yaraate-e ka firkiraan in la horfadhiisto Konfor. Waayo  Waqooyi uu wada tashan karaa, laakin Konfor iskuma imman karto waxna kuma wada heshiin karaan. Waxa u fiican oo dan u ah Waqooyi in cadaalad iyo xunkun dheelitiran wax lagu wada qabsado.

Mudo markii laga joogo isku darsigii Waqooyiga iyo Konforta, waxa lagu tilmaamay dadka reer Waqooyiga in ay yihiin dad qaldan ( Somali Qaldaan ). Dadka Waqooyi ma fahmin ujeedada magacaasi. Waxay taladu maanta ku jirtaa in aan dib loo qaldamin oo maantaan ka fiicanahay shalay eh an halgeena ku ekaano. Shirarkan hadda socda dani uguma jirto Somaliland. In ay ka xumaato siday maanta tahay mooyie kolaba ka fiiicnaanmasyo.  Inta reer Somaliland ah ee sacabka u tumaysa Somaliwayn, ha ogaadaan in reer konforeed midnimadii ku aaseen Muqdisho oo ayna Somaliland soo fiqi karaynin. Waxan maqli jiray XAMAR WAA JIQEEY. Maantay u daran tahay oo habar dugaag ku dagaalamayaan. Dani waa seete eh dad reer Somaliland gurigooda ha hagaajistaan.

Qore: Maxamed Cali  Muuse ( North America )