Bangiga Adduunka oo Qorshaynaya Xayiraad ka Qaadidda Xawaaladaha Soomaalida

 

 

Nairobi (SLpost)- Baanka Adduunka, ayaa ku gudo jira talaabooyin xayiraadda lagagga qaadayo shirkaddaha xawaaladaha Soomaalida, oo ahaa meesha keliya ee dhaqaalaha loo soo soo mariyo dadka Soomaalida ah ee ku nool gudaha  geeska Afrika, si loo suurtageliyo sidii ay xawaaladahaasi u sii wadan lahaayeen adeegyadoodii shaqo ee aadka u muhiimka ahaa

 

Haweenayda baanka adduunka u qaabilsan bariga Afrika, Bella Bird, oo wariyayaasha kula hadashay caasimada dalka Kenya, ee Nairobi, ayaa  faahfaahin ka bixisay adeeggyadda aadka u muhiimka ah ee ay xawaaladaha Soomaalidu hayaan iyo sida uu meesha uga baxay tuhunkii lala xidhiidhiyay, waxaanay tidhi, “Waxa muhiim ah in aan qaadno tallaabo lagu hubinayo lacagaha iyo ganacsiga Soomaaliya ku socda”

 

Sidoo kale, Bird ayaa sheegtay in qorshaha kale ee ay wadaan uu yahay sidii loo sameyn lahaa wakaalad hubin doonta lacagaha Soomaaliya dibadda uga imaanaya, si kalsooni loo abuuro, maadaama lacagaha dibaddaha laga soo diro Somalia ay sannadkii gaarayaan hal bilyan oo doollar.

 

Si kastaba ha ahaatee, Dadka Soomaalida ah ee ku nool gudaha ayaa ah kuwo ay noloshoodu dhinac walba si weyn ugu tiirsan tahay  lacagaha ay dibadaha uga soo diraan ehelkooda iyo qaraabadooda quro-joogta ah iyaga oo lacagaha u soo marin jiray shirkadaha lacagaha xawila ee Soomaalida, kuwaas oo muddooyinkii u danbeeyay tuhuno lala xidhiidhiyay ay ka dhasheen in cadaadis la saaro adeegyaddii ay hayeen.