Bandhigga todobaad ee Buugaagta iyo Xarunta Dhaqanka Hargeysa oo Munaasibado isku lammaan kagu Daah-furay (SAWIRRO)

Hargeysa (SLpost)- Carwada todobaad ee buugaagta Caalamiga ah ee Hargeysa ay ku lammaan tahay ibo-furka Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa, ayaa si wada-jir ah loogu daah-furay munaasibad ballaadhan oo maanta ka dhacday Guriga shaqaalaha ee Hargeysa.

Bandhigga 7aad ee Buugaagta iyo Ibo-furka Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa oo hirgelintooda ay iska kaashadeen Ururrada Red Sea Online, Kayd, Macadka Rift Valley iyo Midowga Yurub oo maal-gelinaya, waxa munaasibaddii lagu daah-furay ka qayb-galay xubno ka tirsan Qalinleyda, Abwaanno, Siyaasiyiin, ururada akhriska ee dalka iyo Shakhsiyaad ajaanib ah oo Dhaqanka iyo qoraalka ku xeel-dheer.

IMG_9135Carwada 7aad ee buugaagta Hargeysa oo muddo lix maalmood ah ka socon doona Hargeysa, ayaa halku-dhiga sannadkan loo doortay, lagu soo bandhigayaa ay tahay qoraalka ama sheekooyinka mala-awaalka ah.

Agaasimaha Xarunta dhaqanka Red Sea, Jaamac Muuse Jaamac oo furitaankii munaasibada ka hadlay, ayaa ku soo dhoweeyey safiir-xigeenka safaarada Ingiriiska ee magaalada Addis Ababa Chris Allen oo iftiimiyey sida uu ugu faraxsan yahay inuu goob-joog ka noqda furitaanka bandhigga buugaagta oo ay qabashadiisa sannad walba kaalin weyn ka qaataan.

Mohamed Sabul oo ka tirsan qoraayaasha ka soo qeybgalay bandhiga, ayaa ka hadlay faa’iidada kulamada noocan u leeyahiin bulshooyinka iyo horumarkooda.

Wasiirka Khaarajiga Maxamed Biixi Yoonis oo furay bandhigga buugaagta, ayaa sheegay inay xukuumad ahaan soo dhoweynayaan, diyaarna u yihiin inay gacan ka geystaan horumarinta dhaqanka iyo arrimaha dhalinyarada.

Dhinaca kale, waxa munaasibadda lagu ibro-furay Xarunta Dhaqanka Hargeysa oo uu xadhiga uu ka jaray Abwaan Maxamed Warsame Hadraawi oo ka hor inaantu furin hadal kooban uu ka jeediyey ku qiray in baahi baahi weyn loo qabay helitaanka xarun noocan ah. “Xaruntan dhaqanka helitaankeeda baahi weyn ayey hore u qabnay, xilligan fariintaydu waa aynu ka wada shaqeyno horumarinteeda,” ayuu yidhi Hadraawi.

Madaxa Xafiiska Midowga Yurub ee Nayroobi u qaabilsan warbaahinta, Ms. Maghi oo madasha ka hadashay ayaa ka warbixisay muhiimadda ay u leedahay inay ka qeybgasho furitaanka Xaruntan Dhaqanka Hargeysa oo maal-gelintiisa uu bixiyey Midowga Yurub, waxaanay ballan-qaaday inay diyaar u yihiin wada-shaqeyn ay xarunta la yeeshaan mustaqbalka.

Madaxa hay’adda Rift Valley oo fadhigeedu yahay magaalada Nayroobi, isla qeyb ka ahayd fulinta mashruuca dhismaha xarunta dhaqanka Hargeysa, ayaa ka warramay heerarka uu soo maray fekerka lagu hirgeliyey xaruntan. “Fekerka abuuritaanka xaruntan dhaqanka wuxuu bilaabmay wakhti dhowr sannadood hortood laga joogo, xilli aanu socdaal ku tagnay gobolka Sanaag wefdi goob-joogeyaal doorashooyinka qeybna ka ahayd Ayaan Maxamed Cashuur,” ayuu yidhi Mack Bradbury.

Madaxa Rift Valley ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay midho dhalka mashruucan oo ku soo beegmay wakhti baahi weyn u qabaan dhalinyarada Dalku sidii ay ku heli lahaayeen goobo ay kusoo bandhigaan hal-abuurkooda.

Marwo Edna Adan Ismaaciil oo ka hadashay Hal-ku-dhigga sannadkan loo aqoonsaday ee ‘Mala-awaalka’, ayaa ka sheekaysay in qorshe walba bilowgiisu mala-awaal yahay, balse marka u dambaysa la gaadho midhahiisa, iyada oo tusaale u soo qaadatay halgankii loo soo galay dib-u-xoreynta dalka iyo midho-dhalkiisa, wakhtiganna ictiraafku yahay waxa kaliya ee mid midh-dhalkiisa la sugayo.

Munaasibadaha isku lammaan ee bandhigga Buugaagta iyo Ibro-furka xarunta Dhaqanka ee Hargeysa, waxa lagu soo bandhigay heeso iyo ciyaaraha dhaqanka oo martidii ka soo qeybgashay si weyn ugu riyaaqeen daawashadooda.
IMG_9117 IMG_9119 IMG_9120 IMG_9122 IMG_9124 IMG_9125 IMG_9126 IMG_9127 IMG_9128 IMG_9130 IMG_9131 IMG_9132 IMG_9133 IMG_9134 IMG_9135 IMG_9137 IMG_9139 IMG_9140 IMG_9142 IMG_9143 IMG_9144 IMG_9145 IMG_9146 IMG_9147 IMG_9150 IMG_9151 IMG_9152 IMG_9153 IMG_9154 IMG_9155 IMG_9156 IMG_9157 IMG_9158 IMG_9159 IMG_9160 IMG_9161 IMG_9162 IMG_9163 IMG_9164 IMG_9165 IMG_9166 IMG_9168 IMG_9169 IMG_9170  IMG_9173 IMG_9174 IMG_9175 IMG_9178 IMG_9181 IMG_9182 IMG_9183 IMG_9184 IMG_9185 IMG_9186 IMG_9189 IMG_9190 IMG_9191 IMG_9192 IMG_9193 IMG_9195 IMG_9197 IMG_9198 IMG_9199 IMG_9201 IMG_9202 IMG_9203 IMG_9204 IMG_9205 IMG_9206 IMG_9207 IMG_9208 IMG_9209 IMG_9210 IMG_9211 IMG_9213 IMG_9214 IMG_9215 IMG_9216 IMG_9217 IMG_9218 IMG_9219 IMG_9220 IMG_9221 IMG_9222 IMG_9225 IMG_9226 IMG_9229 IMG_9230 IMG_9231 IMG_9232 IMG_9233 IMG_9234 IMG_9236 IMG_9238 IMG_9241 IMG_9242 IMG_9243 IMG_9244 IMG_9245 IMG_9250 IMG_9253 IMG_9255 IMG_9256 IMG_9258 IMG_9259 IMG_9260 IMG_9261 IMG_9264 IMG_9271 IMG_9272 IMG_9273 IMG_9274 IMG_9276 IMG_9282 IMG_9286 IMG_9287 IMG_9288 IMG_9290

SOMALILANDPOST.NET